Qorshe La Xidhiidha Wax Ka Badalka Guddida Doorashada Oo Kulmiye Iyo Ucid Isku Jiidheen

0
Monday May 20, 2019 - 17:19:18 in by salman abdi
  • Visits: 353
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qorshe La Xidhiidha Wax Ka Badalka Guddida Doorashada Oo Kulmiye Iyo Ucid Isku Jiidheen

    Qorshe La Xidhiidha Wax Ka Badalka Guddida Doorashada Oo Kulmiye Iyo Ucid Isku Jiidheen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qorshe La Xidhiidha Wax Ka Badalka Guddida Doorashada Oo Kulmiye Iyo Ucid Isku Jiidheen

Guddoomiyaha Ku Meel Gaadhka ah ee xisbiga WADDANI Mudane Cabdiqaadir Jirde oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta guud ee xisbiga ayaa ka digay cawaaqib xumada ka soo fool leh qorshaha Kulmiye iyo UCID ku doonayaan in ay doorasho laba xisbi ah galaan. Waxa uu ganafka ku dhuftay hadalkii madaxweynuhu ka sheegay fagaarihii xuska 18 May ahaa in uu tanaasul sameeyay waxaanu dhalliilay farriinta Labada xisbi Nayroobi ugu gaynayaan qaadhaan bixiyeyaasha iyo been ay u sheegeen safiirka Ingiriiska Amb Ben Fender oo dhawaan yimid Somaliland.


 


 

"Waxa jirta Safiirkii Ingiriiska ee inoo yimid in laga dhaadhiciyay (Kulmiye & UCID) qiil baanu u hayna oo doorashada laba xisbi way qabsan karaan, waar taageerayaashii Waddani ee dalka joogay ee 42% helay ma dabayshaa qaadaysa dee? Miyaydaan kuba xisaabtamin nin aad xisbigiisii leedahay doorasho gali maayo in uu halkaa kuu fadhiyo oo kuu sacbiyo miyaad ka sugaysaan? Mise xasaradda ayaabad doonaysa oo adiga uga sii horaynaya in dalkan xasarad ka dhacdo adiga sii hor kacaya?,” Sidaas ayuu yidhi Cabdiqaadir Jirde.


"Arrinta Saami qaybsiga timid, safiirkii Ingiriiska ee inoo yimid war been ah baa la siiyay, waxa lagu yidhi saami qaybsigii waa laga heshiiyay oo dadkii diidana in saami qaybsiga lagu galo waxay naga ogolaadeen in sidii hore lagu galo. Miyaa maqasheen shir la isugu yimid oo odayaal loo yeedhay ama gobol gobol loola shiray oo saami qaybsiga lagala hadlay miyaa maqasheen dalkaad joogteene? Waa war been ah, waa waxyaabaha dadka iska hor keena.” Sidaas ayuu yidhi Mudane Cabdiqaadir Jirde.


Waxa uu intaasi raaciyay cawaaqibka ka dhalanaya warkaas been abuurka ah " Bal ninka taa maqla maanta in laga been abuurtay ee la yidhi reer Awdal baa ogolaaday, reer Hargeysa ogolaaday, reer Laascaanood baa ogolaaday, reer Ceerigaaba ogolaaday oo madaxweynuhu ‘Mandate’ (ogolaansho) ka haysta in uu sidii hore ku galo warkaasi dadkaa marka uu gaadho maxaad u malaynaysaan? Saw doorashadiiba inaga sadhoobi mayso? Anagu waxaanu leenahay waar dalkan xaqiiqo ha lagu dhaqo oo beenta ha laga daayo.”


"Doorasho laba xisbi galaan oo ay kaligood qabsadaan wax suuroobaya maaha ninkii caafimaad qaba wuu arkaya dee ninkii jirranna isaga og. Annagu waxaanu ka digayna Saddex gobol Waddani baa aqlabiyadda helay, sidee baad dadkii xisbiga u codeeyay uga dhaadhicinaysa doorasho aanu xisbigiinu ku jirin gala? Dee ma qori baad ku qabanaysa? Umadda dhan ma RRU baad ku soo kaxaynaysa? Ma ciiddamadan Qaranka ee jiidda hore jooga ayaad odhanaysa goobaha cod bixinta ilaaliya oo ka soo kaca meeshii? Anagu uma aragno caqligaasi caqli caafimaad qaba in uu yahay umaddana waxaanu u sheegayna waxba yaan kolba been la isugu dhaaran tii u dambeysay waa taa laba xisbi ayaa is raacay oo yidhi ‘waxaanu u tagayna qaadhaan bixiyeyaashii oo waxaanu kala soo hadlayna doorashada, waar arrimaha doorashadu maanay inaga dhexeyn goorma ayay laba xisbi gaar ku noqotay? Bal goorta ay laba xisbi gaar ku noqotay ee masuuliyadda la siiyay ee umaddu siisay ee goleyaashu siiyeen ee la yidhi idinka ka masuul ah doorashada ee qaadhaan bixiyeyaasha u taga _ habeenkii dhawayd waa tii aan lahaa ha na dacwaynina waxa ay ula taggayaanna waa WADDANI ma ogola doorashada, marka waxaanu ka digayna in markhaati been ah la isu furo, in dalkan khalkhal la galiyo, in umadda la iska hor keeno oo la yidhaa labadaa xisbi oo kaliyaa doorasho galaya ee intiina kale badda ka caba intii aan labada xisbi ahaynow badda ka caba dee badda laga cabi maayee waxa dhici doona waa garanaysaan Illaahay ha inaga hayee, marka anagu taas ayaanu ka digayna,”


Cabdiqaadir Jirde waxa uu yidhi "Kulmiye wuxuu ku dheggenaa mar walba todobadaana way ahaanaysa Komishankuna wuu joogaya imikana tii buu ka dhigaya in uu tanaasul sameeyay maalintii u horaysay ayuu ku bilaabay wax lagu daraya ma jirto oo Faysal indhaha lagaga soo dhacay ninkii inta uu u tagay yidhi waan ka soo dhammeeyay ayaa anaga oo is hor fadhina Cabdicasiis indhaha kaga dhacay oo yidhi ‘waar maanaga ku nidhi maxaad noo masa bidaysa? Maanaga ku nidhi waa sagaal? Todobadaasay ahaanaysa’ Kulmiye mar walba todobaas ayuu la taagna mar walbana wuxuu la taagna Komishankani tagi maayo bal tanaasulka uu sameeyay ee madaxweynuhu ka dhawaajiyay iyada oo shir la fadhiyo soo saara idinku?,” 


Cabdiqaadir Jirde