Hargeysa: Madaxweynah Somaliland oo Xafiiskisa ku qaabilay 3 Arday oo kaalmo sare ka galay Tartanka Quraanka kariim oo Djibouti ka dhacay+Sawiro

0
Wednesday May 22, 2019 - 15:18:57 in by salman abdi
  • Visits: 569
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa: Madaxweynah Somaliland oo Xafiiskisa ku qaabilay 3 Arday oo kaalmo sare ka galay Tartanka Quraanka kariim oo Djibouti ka dhacay+Sawiro

    Sida lagu sheegay warsaxaafeed goor dhoweyd ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxweynaha oo lagu yidhi sidan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida lagu sheegay warsaxaafeed goor dhoweyd ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxweynaha oo lagu yidhi sidan:

WAR-SAXAAFADEED: 22/05/2019


Madaxweyne Muuse Biixi oo Qaabilay Saddex Arday oo reer Somaliland ah oo Kaalmaha Sare Ka Galay Tartan Qur’aanka Kariimka ah oo Dalka Jabuuti Lagu Qabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saddex Arday oo reer Somaliland ah oo kaalmaha sare ka galay tartan Qur’aanka kariimka ah oo lagu dalka Jabuuti.

Saddexdan Arday oo kala ah Bashiir Cabdilaahi Maxamed la tartamay kow iyo toban (11) Arday oo ka kala socda dalal Carab iyo Afrikan isugu jira, islamarkaana kaalinta koowaad usoo galay iyo Cabdiwaasac Maxamuud Cabdisalaan iyo Cabdilaahi Cabdifataax Macallin Shukri oo iyaguna kaalmo wanaagsan kasoo galay tartankan, ayuu madaxweynuhu si gaar ah ugu qaabilay xafiiskiisa, waxana uu ku bogaadiyey guusha ballaadhan ee ay soo hooyeen iyo dedaalka ay sameeyeen iyaga oo da’ ahaan aad u yaryar.

Madaxweynuhu waxa uu saddexda Arday kula dardaarmay inay dedaalkooda sii wadaan, xifdinta qur’aanka iyo qowlka Eebbena muhiimad gaar ah siiyaan, waxana uu ku sifeeyey tusaale wanaagsan oo ka markhaati ah kartida iyo dedaalka Da’yarta Qur’aanka barata ee reer Somaliland.


ALLAA MAHAD LEH


Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Image may contain: 4 people, people standingImage may contain: 6 people, people smiling, people standingImage may contain: 4 people, people smiling, people standing and indoorImage may contain: 4 people, people smiling, people standingImage may contain: 3 people, people smiling, people standingImage may contain: 5 people, people standing and indoor