Waddani Oo Xukuumadda Kulmiye Ku Eedeeyay In Ay Hotel-lada Hargeysa Ku Xannaanayso Madaxii Sirdoonka Somalia

0
Wednesday May 29, 2019 - 09:32:36 in by salman abdi
  • Visits: 338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddani Oo Xukuumadda Kulmiye Ku Eedeeyay In Ay Hotel-lada Hargeysa Ku Xannaanayso Madaxii Sirdoonka Somalia

    Waddani Oo Xukuumadda Kulmiye Ku Eedeeyay In Ay Hotel-lada Hargeysa Ku Xannaanayso Madaxii Sirdoonka Somalia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waddani Oo Xukuumadda Kulmiye Ku Eedeeyay In Ay Hotel-lada Hargeysa Ku Xannaanayso Madaxii Sirdoonka Somalia

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa Xukuumadda Madaxweyne Biixi ku eedeyey inay Hargeysa kusoo dhaweysay Taliyhii hore ee ciidanka sirdoonka Somaaliya Cabdillaahi Maxamed Sanbalooshe, kaasi oo socdaal ku yimaadda Magaalada Hargeysa sida uu sheegay guddoomiyaha golaha dhexe ee Waddani.

Guddoomiyaha golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI Cismaan Afgaab oo Xafiiska WADDANI War-baahinta kula hadlay ayaa sidaasi sheegay,isagoo xusay in Xukuumaddu ay dhawr jeer la kulantay Hoggaamiyaha Mucaaradka Soomaaliya Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuurwaxaanu haddalkiisa ku bilaabay sidan "Ina Cabdishakuur mahaa Markii ugu horeysay ee ay Xukuumaddu la kulanto , markan waa markii labaad ayey noqonaysaa inta la hubo , kal hore waxa la kulmay haddaaya Wasiir Cabdilaahi Abokor ayaa Makka kula kulmay isaga iyo masuuliyiin kale haddana Wasiirka Arrimaha Guddaha ayaa la kulmay .”

Dhanka kalene Cismaan Afgaab ayaa Xukuumadda ku eedeeyey inay Taliyihii ciidanka Sirdoonka Somaaliya Mr Sanbalooshe ay Hargeysa kusoo dhaweysay, isla markaana ay dejisay Hudheel "Waxa kale oo jirtay Rag kale oo masuuliyiin ah oo uu kamid yahay ninkii sirdoonka Somaaliya haysan jiray ee Sanbalooshe inuu mar kasta Hargeyaa yimaado oo hudheelada Hargeysa mid kamid ah la dejiyo oo mar katsa ay Xukuumadddu dejiso .”Ayuu yidhi .