Ra'iisul wasaare Khayre Oo Soo Xiray Imtixaanka Shahaadiga ah Ee Dugsiyada Sare

0
Friday May 31, 2019 - 18:55:42 in by salman abdi
  • Visits: 403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul wasaare Khayre Oo Soo Xiray Imtixaanka Shahaadiga ah Ee Dugsiyada Sare

    Ra'iisul wasaare Khayre Oo Soo Xiray Imtixaanka Shahaadiga ah Ee Dugsiyada Sare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaare Khayre Oo Soo Xiray Imtixaanka Shahaadiga ah Ee Dugsiyada Sare
Ra’iisul wasaraaaha xukuumadda federaalka Soomaaliya,Xasan Cali Khayre oo uu weheliyo wasiirka waxbarashadda ayaa soo xiray imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka oo maanta la soo gabagabeeyay.

 "Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa booqday Xarunta Gahayr ee jaamacadda umadda Soomaaliyeed oo kamid ah goobaha imtixaanku maalmahaan ka socoday si uu u oggaado xaalada ardayda gashay imtixaanka uguna dhiirri-galiyo in ay sii waddaan heerarka kala duwan ee Waxbarashada." ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Khayre, ayaa ardayda Soomaaliyeed ee u soo dhabar adaygay waxbarashada u rajeeyey guul, waxa uuna  ku booriyey in ay dadaalka iyo dul-qaadka sii wadaan  si hogaamiyaasha dalka uga mid noqdaan.

Imtixaanka Shahaadiga ah oo sannadkaan ay ka qayb galeen  31,258 arday ayaa waxa uu si isku mid ah uga socday magaalada Muqdisho iyo goballada dalka laga soo billaabo 27 bishan May.