Dagaalka uu Iclaamiyey Axmed Karaash ma Galooftan baa Mise waa Shir Kaga Kac?

0
Thursday June 06, 2019 - 14:08:33 in by salman abdi
  • Visits: 74
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalka uu Iclaamiyey Axmed Karaash ma Galooftan baa Mise waa Shir Kaga Kac?

    Dagaalka uu Iclaamiyey Axmed Karaash ma Galooftan baa Mise waa Shir Kaga Kac?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalka uu Iclaamiyey Axmed Karaash ma Galooftan baa Mise waa Shir Kaga Kac? Dagaalka uu Iclaamiyey Axmed Karaash ma Galooftan baa Mise waa Shir Kaga Kac?

Tan iyo markii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu munaasibadii 28 Guuradii ka soo wareegtay dib ulasoo noqashadii madax-bannaanida Somaliland ee 18ka May ku dhawaaqay inuu cafis u fidiyey Maxaabiistii ciidammada Qaranku ay ka qabsadeen maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntlanddagaalkii ka dhacay Tukaraq Bishii May 2018, waxa samotaliska nabadda u heellan iyo Qarammada midoobayba ay ku sifeeyeen talaabo geesinimo ah oo waxtar u ah nabadda gobolka Geeska Afrika, oo madaxweynaha Somaliland ku dhiiraday.

 

Xukuumadda Somaliland oo fulinaysa cafiskii madaxweynuhu waxay si milgo leh u sii ambo-bixisay14 maxbuus ee laga qabtay Puntland, kuwaasi oo u duulay Garoowe, waxaana sii sagootiyey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Gudaha Maxamed Kaahin, halka maamulka Garoowe ay iyaguna soo daayeen saddex maxbuus oo Somaliland laga qabtay.

 

Nabad jacaylka ay Somalilandmuujisay ee ay ku doorbidaysoinay kula naalooto jaarkeeda, waxaanay u cuntamin maamul goboleedka Puntland oo Salaasadii Madaxweyne Ku-xigeenka maamulkaasi, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) uu salaadii Ciidul-fidriga kaga tiraabay dhiilo colaadeed, taasi oo ah mid aanugub aheyn, balselaga eegayey maamuleyaasha Garoowe oo riyadoodu ku ururtay inay si maalinle ah faq iyo fagaareba uga soo bu’aanSomaliland, waxaanuAxmed Karaash yidhi "Muuse Biixi wuxuu leeyahay Nabadgelyo ayaan rabaa, laakiin Reer barigu waxay yidhaahdaan ‘Waa la tahay’ inta uuPuntland ku jiro ma dhacayso nabadi, mana suurtoobayso.”

Xukuumadda Somaliland iyo shacbigeedaba wax macno ah umay sameynin dagaalka uu iclaamiyey maalintaas Ciiddeed ee Ummadda Islaamka ay tahay inay is wada saamaxaan, waxase uu hilmaansan yahay in Jamhuuriyadda Somaliland uu ka dhammaaday dulqaadkii ay u laheyd gardarooyinka joogtada ah ee Soomaaliya ku hayso Xudduudaha bariga Somaliland.Dagaalka uu shaaciyeyMadaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa dadka qaarkii ku sifeeyeen inuu ahaahadalshir kaga kac ah iyo hanjabaad faaruq ah oo ay ka muuqatay bisayl la’aan siyaasaddeed.

 

Axmed Karaash wuxuu xog ogaal u yahay in Puntland dhabar jab kala kulantay dhammaan weeraro aan xad laheyn oo ay ku soo qaadeen Somaliland, iyadooSomalilandGoolaaftankiisa u aragtainuu Garoowe ku guubaabinayo dagaal aanu hadhow waxba uga tari doonin oo ka dhigan Maahmaahdii aheyd"Nimaan kuu furayniyaanukuu rarin.”

 

Inkasta oo Somaliland siyaasaddeeda koowaad tahay nabad, haddana waxa ka go’an inay curdan-dhadhisocid kasta oo ku soo tahan-baabta soohdimaheeda, waxaanay aaminsan tahay in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Dani uu cashar ka korodhsaday siyaasaddii ninkii ka horreeyey ku jabay, waxaanuu muuqdaa inuusiyaasadiisa ku wajahan Somalilanduuu beddelay"Dagaalafka ah”, taasi oo ay dhici karto in hadalka Axmed Karaashna arrintaaska turjumayo.

Ugu dambeyn,waxa hadaaqa ka soo yeedhay Axmed Karaash uu i xasuusiyeytudduc ku jiray maansadii Kala-maan ee Abwaan Hadraawi oo ay ka mid ahaayeen: