Wiil Soomaali Ah Oo ka Waramay Hees Khadra Daahir Qaado Uu 15 Sanadood Oo Xabsi Ah Ku Mutaystay Markii Uu Baraha Bulshada Ku Qoray

0
Thursday June 06, 2019 - 14:20:43 in by salman abdi
  • Visits: 676
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil Soomaali Ah Oo ka Waramay Hees Khadra Daahir Qaado Uu 15 Sanadood Oo Xabsi Ah Ku Mutaystay Markii Uu Baraha Bulshada Ku Qoray

    Wiil Soomaali Ah Oo ka Waramay Hees Khadra Daahir Qaado Uu 15 Sanadood Oo Xabsi Ah Ku Mutaystay Markii Uu Baraha Bulshada Ku Qoray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiil Soomaali Ah Oo ka Waramay Hees Khadra Daahir Qaado Uu 15 Sanadood Oo Xabsi Ah Ku Mutaystay Markii Uu Baraha Bulshada Ku Qoray Wiil Soomaali Ah Oo ka Waramay Hees Khadra Daahir Qaado Uu 15 Sanadood Oo Xabsi Ah Ku Mutaystay Markii Uu Baraha Bulshada Ku Qoray

Dhibaatooyinkii xanuunka badnaa ee ka dhacay Dawladda Deegaanka Soomaalida xilligii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa waxa maalinba maalinta ka dambaysa soo baxaysa qiso xanuun badan oo dadka layaab ku noqonaysa, taas oo ay ka sheekaynayaan dadkii jeelasha lagu guray ee sida ba’an loo dhibaateeyey.


 

 

Dadka ayaa qofkii la doono la xidhayey, ka la doono la dilayey, kan la doonana lala wareegayey hantidiisa, taas oo ay dheerayd kursiga dumarka iyo carruurta, iyadoo ay waxaas oo dhan samaynayaeen masuuliyiin iyo ciidamada u gaarka ahaa Cabdi Iley.

 

Ciidamada gaarka ah ee Deegaanka iyo Kooxdii HEEGO ayaa waxay ka shaqayn jireen jaajuuska iyo raadinta waxyaabaha lagu qoro baraha bulshada ee Facebook, taas oo keeni jirtay in qof aan waxba galabsan jeelka loo taxaabo iyadoo loo nisbaynayo in qof ay ehel ama qaraabo yihiin uu Facebook soo dhigay farriin aanu jeclaysanin nidaamkii xilligaas ee waqtigan jeelka ku jira.


 

 

Qisooyinka yaabka leh ee soo baxay waxa ka mid ah, in wiil Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdiwali Maxamed Cumar uu bartiisa Facebook ku qoray hees ay qaaddo fannaanada caanka ah ee Khadara Daahir Cige, taas oo keentay in ciidamo ordaya ay ugu yimaaddeen goobtii uu ka shaqaynayey oo ay xabsiga u dhaadhiciyeen, iyadoo lagu xukumay 15 sannadood oo xadhig ah.


Muddadii uu Cabdiwali ku jiray Jeelka, waxa uu la kulmay dhibaatooyin badan, waxaana uu goob joog iyo markhaatiba ka yahay dad si arxan darro ah loogula dhaqmayey gudaha Jeel Ogaadeen, kuwaas oo uu isaguba ka mid ahaa.


Cabdiwali oo ah xirfadle caafimaad oo ku noolaa xilligii la xidhay degmada Gallaadi ee Gobolka Doollo, waxaana ay ciidamadii soo qabtay waydiiyeen ujeedaddada uu ka leeyahay heesta uu bartiisa Facebook ku qoray, ka hor intii aan lagu ridin xukun 15 sannadood ah.

Dhibbahan oo dhawaan ka warramay dhibaatooyinkii uu la kulmay intii uu jeelka ku jiray, ayaa waxa uu tilmaamay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo uu ku kici jiray Xasan Dheere oo ahaa madaxii Jeel Ogaadeen oo dhawaan laga soo qabtay Somaliya, kuna jira gacanta DDS.


Cabdiwali oo arrintan ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi: "Degmada Gallaadi ee gobolka Doolo ayaa layga soo xidhay. Waxaan ahaa xirfadle caafimaad, waxaana layga soo qabtay santarkaygii. Waxa laygu soo eedeeyey aragti xumo, waxa laygu yidhi facebook-gaaga ayaad ku qortay hees ay Khadra Daahir qaaddo tuduc ka mid ah oo tidhaahda: "Cudurka kaa gala fardaha haddii laga gubo dameer dawada lama gaadhayo.” Maxaad ka waddaa baa laygu yidhi?

Kiiskaygu halkaas ayuu kasoo bilaabmay. Kaddib waxa lay keenay Wardheer, waxaana la igu xukumay 15 sannadood oo xadhig ah, kaddibna waxa la iisoo dhaadhiciyey Jeel Ogaadeen.”

Heesta Cudurka Kaa Gala Fardaha, waxa midhaheeda sameeyey Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan Ganey), waxaanay ka mid ahayd riwaayaddii la odhan jiray ‘Nin Illaahay wakiishay nasiibkiisa ma waayo.”, waxaana uu abwaanku ku darsaday riwaayaddaas oo uu sameeyey Abwaan Xasan Kayd.

Laxanka waxa saaray Aweys Abokor Nuur Goobbe, waxaana ku luuqaysay fannaanadda codka macaan ee Khadra Daahir Cige.

Akhriso heesta oo dhamaystiran:


Cudurka kaa gala fardaha

Haddii laga gubo dameer

Dawada lama gaadhayoo

Anoon weli kuu ged bixin

Geed dheer bay saaran tahay

God-dhowgiyo gawraciyo

Aan goorino xaalka tagay

Gartana aan kala lahayn

Ayaan gogol kula hurdaa

Gantaashana waa qabaa

Martina guulaan u ahay

Qof go’ay iyo roob galbeed

Midkoodna hadduu galbado

Gadaal uma soo noqdee

Go’aankii hore u daayoo

Ayaamahan gaabiska ah

Horaadkaan godol lahaa

Hadday iga gaagaxsheen

Iyana waxaan kaga gudbaa

Gobeeya liicoo ha jabin

Gantaashana waa qabaa

Martina guulaan u ahay.