Hargaysa:Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Wakiilada Oo Fariin U Diray Shacabka Somaliland

0
Friday June 07, 2019 - 18:48:19 in by salman abdi
  • Visits: 350
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Wakiilada Oo Fariin U Diray Shacabka Somaliland

    Hargaysa:Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Wakiilada Oo Fariin U Diray Shacabka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa:Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Wakiilada Oo Fariin U Diray Shacabka Somaliland

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed, ayaa Shacabka wuxuu ugu baaqay inay qaranimadooda iyo ilaalinta nabadgalyadooda meel uga soo wada jeedsadaan, oo ay ka feejignadaan wax kasta oo nabadgalyada khatar ku ah.


 


 

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed, oo u waramayWargeyska Geeska Afrika,ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay "Biishii Ramadaan wey dhammaatay, dhammaan Shacabka iyo umadda Muslimka ahba, waxaan ugu ducaynayaa wanaag iyo nolol wacan, ALLENA bishan bisheeda, ramadaatan ramadaanteeda iyo ciidan ciideeda ha inagu gaadhsiiyo nabadgalyo, barwaaqo, guul iyo ictiraafka caalamka oo aynu helno, waxaan se dadka leeyahay mar haddii bishii ramadaan ay dhammaatay, halkii aynu ka sii wadno cibadadii, iyo camalkii saalixa ahaa,Soonkii sunayaasha ahaa, Sadaqadii iyo waliba Salaada oo iyadu mar walba waajib inagu ah qofka laga doonayo inuu la yimaado, ilaa inta uu godka ka galayo, xitta qofku haddii uu xanuunsanayo oo miirkiisa iyo maskaxdiisuba joogaan waa laga doonayaa, markaas camalka wanaagsan ee ALLE aynu ugu dhawaanayno aynu joogtayno, ALLENA waxaynu mar walba ka baryeynaa roob iyo madar khayr qaba”.


Mar uu hadlaayey qaranimada iyo nabadgalyada ayaa yidhi "Nabadu waa qaali, nabada iyo imaankana nabada ayaa la horeeysiiyey, markaas ALLE ayeynu uga mahadnaqaynaa uguna shugri naqaynaa nabadaas uu ina siiyey, maxaa yeelay maanta waxaa jira wadamo badan oo nabada aynu haysano aan haysan, ee Shacabku waa inay qaranimadooda iyo nabadgalyadooda mar walba ilaashadan, kana feegjinadaan wax kasta oo waxyeelaya, waxaan kale oo aan aad u soo dhaweeynayaa qiimaha sarifka lacagta doolarka ee inoo jabay, waxaana ku rajo weynahay in maceeshaduna inoo jabto, waxaana Ganacstadeena leeyahay dadkiina hoos u eega, oo ka jabiya maceeshada wali qaaliga ah, .


Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada mar uu ka hadlaayey Geerida ku timid Xildhibaan Cali Aareeye ayaa yidhi "Geeridu waa xaq, qof walbana wuxuu ku xukuman yahay dil, geeridana waa lagu kala horeeynayaa, markaas ALLE ha u naxariisto janadiina ha ka waraabiyo Xildhibaan Cali Ibraahmin Aareeye, oo xaqii u yimid, waxaana leeyahay dhammaanteen ALLE Samir iyo imaan ha inaga siiyo,maalmo khayr badan buu dhintaye”.