Maalinta Baddaha adduunka oo Muqdisho lagu xusay

0
Saturday June 08, 2019 - 16:34:40 in by salman abdi
  • Visits: 424
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maalinta Baddaha adduunka oo Muqdisho lagu xusay

    Maalinta Baddaha adduunka oo Muqdisho lagu xusay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalinta Baddaha adduunka oo Muqdisho lagu xusay
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya , Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda maalinta Badaha Adduunka ee 8-da June oo lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabadda oo ay si wada jir ah u soo agaasimeen sannadkan Wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Dekadaha ee Soomaaliya, ayaa intii lagu guddo jiray waxaa bar-bar socday olole lagu nadiifinayo Xeebaha dalka oo laga sameeyay qaybo kamid ah Xeebta Caasimadda Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo gaadiidka Badda Soomaaliya, Maryan Aways ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka warbixin kooban ka siisay munaasabadda xuska oo lagu maamuusay qashin saarka Xeebaha.

"Badaha dalkeenna ayay astaan u yihiin, waxaana go'aansanay inan maanta xuska uga qeybqaadano nadiifinta xeebaha." wasiir Maryan Aways  ayaa sida sheegtay.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka ayaa sheegay in badda dheer ee Soomaaliya ay qeyb ka tahay ilaha dhaqaale ee ugu wayn Dalka, ayna muhiim tahay in laga shaqeeyo hagaajinteeda, si Ummadda Soomaaliyeed ay uga helaan faa’iido ballaaran.

Gabagabadii ,Ra'iisul wasaare ku-xigeenka   ayaa sheegay in Kheyraadka ku jira Badaheenna uu yahay mid ku filan Shacabka Soomaaliyeed, balse loo baahan yahay in si wacan loogu faa’iideysto.