Siduu Xisbiga Waddani U Arkaa Shirka Beelaha Bariga Iyo Galbeedka Burco Shaaciyeen Inay Qabsanayaan

0
Sunday June 09, 2019 - 12:24:18 in by salman abdi
  • Visits: 404
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siduu Xisbiga Waddani U Arkaa Shirka Beelaha Bariga Iyo Galbeedka Burco Shaaciyeen Inay Qabsanayaan

    Siduu Xisbiga Waddani U Arkaa Shirka Beelaha Bariga Iyo Galbeedka Burco Shaaciyeen Inay Qabsanayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siduu Xisbiga Waddani U Arkaa Shirka Beelaha Bariga Iyo Galbeedka Burco Shaaciyeen Inay Qabsanayaan Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Md Khadar Xuseen Cabdi ayaa soo dhaweeyay shirka muddooyinkii

u dambeeyay la hadal hayay ee bulshooyinka Burco aayahooda kaga arrinsanayaan waxaanu tilmaamay in dadka saska ka qaba shirkaasi yihiin kuwo aan ka talinayn maslaxadda reer Burco.

 

Telefishanka Horn Cable ayaa xoghaye Khadar wax ka waydiiyay shirka ujeedkiisa lagu sheegay isu soo dhawaynta bulshada reer Burco "Aniga shakhsi ahaan iyo xisbi ahaan ba waxa aanu qabnaa in ay wax wanaagsan tahay in dadka degaanka Burco isu yimaaddaan oo shiraan, in ay ka sheekaystaan duruufaha ku gadaaman. Gobolka Togdheer guud ahaan duruufo badan baa ku gadaaman; shaqo la’aantu way ka sarraysa haddii aad Hargeysa barbar dhigto, sinnaan la’aanta dhaqaale ee gobolladu runtii aad bay u koraysa oo u faro badan tahay, marka dadka reer Burco haddii ay isu yimaaddaan oo is waraystaan oo maxaa gobolkoodii ka khaldan ee dib u dhac ku jira eegaan, kaabeyaashii dhaqaalaha waxa aynu ognahay in Madaarkii Burco xidhan yahay, waxaynu ognahay dakhliga gobollada ee miisaaniyadda Somaliland ee hadda lagu shaqeeyo uu 1% wax ka yar uu gobolka Togdheer yahay marka in ay su’aalahaa is waydiiyaan oo yidhaahdaan ‘ inaga oo reer Burco ah sidee baynu dantii Burco u raadina?’ anagu waxaanu u aragna in ay sax tahay oo aanay dhib ahayn,” ayuu yidhi xoghaye Khadar.


Waxa uu intaasi raaciyay in dadka ka qayliyay shirka Burco ee qaylo-dhaanta ka muujiyay ka gardarran yihiin reer Burco waxaanu bulshada Togdheer ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan nacayb dhexdooda ah oo Hargeysa looga dhoofiyo "Reer Burco waa in ay ka feejignaadaan in aan nacayb Hargeysa looga soo dhoofin, Hargeysa ayaa hore nacayb loogaga dhoofiyay eewaa in ay jacaylkooda, wadajirkooda iyo walaaltinimadooda gundhig adag u sameeyaan oo danahooda ka wada hadlaan oo ka sheekaystaan, marka in aan bayr laga yeelan ayaa aad iyo aad u muhiim ah, dadkani waa dad waayeel ah, waa dad salaaddiin ah, waa dad culimo ah, waa dad acyaan ah dad ay suuro gal ka tahay in ay xumaan cid kale ka shaqeeyaan anagu uma aragno in ay yihiin, marka in aynu Burco jacayl u dhoofino, in aynu wada jir u dhoofino oo aynaan nacayb u dhoofin ayaa wanaagsan haddii aynu reer Hargeysa nahay,” ayuu yidhi Xoghaye Khadar.

 

Xoghayaha xisbiga Waddani Md Khadar Xuseen Cabdi waxa la waydiiyay in shirka Burco in uu ka qabsoomo la filaya yahay mid lagu burburinayo isbahaysi siyaasi ah oo u dhexeeya beelo ku midaysan Kulmiye waxaanu ku jawaabay "Aniga wax lagu burburinayaana iima muuqato isbahaysi iyo arrin siyaasi ah oo lagu dhisayana iima muuqato oo marxalad doorasho hadda kuma jirno laakiin, dadkaas in ay neeftoodu is ogolaato oo ay ogaadaan in ay dad isku dan ah yihiin oo ay ogaadaan ciddii doonta Hargeysa ha fadhido oo madaxweyne ha ka noqotee ee danta Burco dan kala qaaranta maaha waa dan isku xidhan, madaarka Burco ayaa u wada baahan, biriishyo fiican way u wada baahan tahay, biyo, laydh iyo waddooyin way u wada baahan tahay ta ay tahay in ay ka wada shaqeeyaan oo dadku isku qalbi iyo isku niyad ka noqdaan taas weeye, ta siyaasadda marka xilligeeda la gaadho Burco waa in ay is waydiiso siyaasiyan maxaa Burco dan u ah laakiin, qof ku macaashay kala qaybinta Burco waa in aan su’aal laga waydiin.”

 

Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI

Hargeysa-Somaliland