Siyaasi Jaamac Shabeel Sidee Ayuu U Arkaa Shirka Boqor Buurmadow Ku Dhawaaqay

0
Tuesday June 11, 2019 - 17:34:26 in by salman abdi
  • Visits: 390
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Jaamac Shabeel Sidee Ayuu U Arkaa Shirka Boqor Buurmadow Ku Dhawaaqay

    Siyaasi Jaamac Shabeel Sidee Ayuu U Arkaa Shirka Boqor Buurmadow Ku Dhawaaqay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Jaamac Shabeel Sidee Ayuu U Arkaa Shirka Boqor Buurmadow Ku Dhawaaqay

Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ayaa ka hadlay aragtidiisa ku wajahan Shirka uu ku baaqay Boqor Buuramdow ee labada Beelood ee Barriga iyo Galbeedka Burco, waxaanu sheegay in haddii labada Beelood isfahan ka gaadhaan qabsoomida Shirka in aanay jirin cid hor istaagi kartaa, xilli la sheegay in Xukuumadda Somaliland raali aanay ka ahayn qabashada Shirkan.


 


 

Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay "Beel kastaaba wey shirtaa, oo danaheeda iyo arimaheeda ayey ka shirtaa, Beel iyo laba Beelood iyo in ka badana dantooda iyo arimahooda wey ka shiri karaan, dambina maaha inay Beeluhu arimahooda iyo danahooda ka shiraan, Shirkan Boqor Buurmadaw iclaamiyeyna maaha dambi, cidina ma joojin karto, haddii labada Beelood isku af gartaan oo ay ka heshiiyaana wuu qabsoomayaā€¯.