Hargaysa:-Agaasimaha Warfaafinta Somaliland oo ka Hadlay Kulan uu la yeeshay Masuuliyiin ka Socday Ingiriiska

0
Wednesday June 12, 2019 - 22:08:06 in by salman abdi
  • Visits: 302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Agaasimaha Warfaafinta Somaliland oo ka Hadlay Kulan uu la yeeshay Masuuliyiin ka Socday Ingiriiska

    Agaasimaha Warfaafinta Somaliland oo ka Hadlay Kulan uu la yeeshay Masuuliyiin ka Socday Ingiriiska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Warfaafinta Somaliland oo ka Hadlay Kulan uu la yeeshay Masuuliyiin ka Socday Ingiriiska Agaasimaha Warfaafinta Somaliland oo ka Hadlay Kulan uu la yeeshay Masuuliyiin ka Socday Ingiriiska

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday wasaaradda Arrimaha Dibada dalka Ingiriiska.

 

Kulankan uu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafintu la yeeshay Weftiga ka socday wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Igiriiska iyo saraakiil ka socday safaaradaha Ingiriiska u fadhiya dalalka Itoobiya iyo Kenya, waxa ku wehelinayey Agaasime waaxeedyada Qorshaynta iyo Isgaadhsiinta ee Wasaaradda Warfaafinta.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Md. Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa kulankaas kadib sheegay inay ka wada hadleen dardar galinta iyo sii xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya labada dal, waxaanu tilmaamay inay si gaar ah ugala hadleen wada shaqeynta ka dhexaysa Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta JSL iyo xafiiska Arrimaha Dibadda Ingiriiska.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaradda Warfaafinta Mukhtaar Maxamed Cali, waxa uu u mahad celiyey dawladda Ingiriiska oo uu sheegay inay gacan ka geysatay diyaarinta qabyo qoraalka xeerka Saxaafadda Somaliland isla markaana ay taageero farsamo iyo tabobaro kala duwan ay siisay Waaxda isgaadhsiinta iyo xidhiidhka ee Qaranka.