Burco:-Qaar Ka Mida Dugsiyadii Dawliga Ee Magalada Burco Oo Xidhan Iyo Moganaanta Xukumada

0
Wednesday June 12, 2019 - 22:11:16 in by salman abdi
  • Visits: 378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burco:-Qaar Ka Mida Dugsiyadii Dawliga Ee Magalada Burco Oo Xidhan Iyo Moganaanta Xukumada

    Burco:-Qaar Ka Mida Dugsiyadii Dawliga Ee Magalada Burco Oo Xidhan Iyo Moganaanta Xukumada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco:-Qaar Ka Mida Dugsiyadii Dawliga Ee Magalada Burco Oo Xidhan Iyo Moganaanta Xukumada Qaar Kamida Dugsiyada Ugu Weyn Gobolka Togdheer Oo Al-baabada Loo Laabay Kadib Markii Dawladu Tahli Kari Weyday Inau Bixiso Musharaadka Macalimiinta Waxbarashada gobolka togdheer ayaa gaabis ku yimi marka loo eego marxaladihii ay ku jirtay wakhtiyadii la soo dhaafay,
Waxa xidhmay dugsiyo ka baxsan magaaladda burco oo dibada ku yaala oo uu ka midyahay dugsigii sarre degmada dhoqoshay iyo kale oo ku yaala deegaano kale oo hoos miyaada gobolka togdheer,

Dugsiga Sare Ee degmada dhoqoshay waxa uu ka mid yahay dugsiyada ku taala gobolka togdheer ee ay sida joogta ah sanad walba uga soo bixi jireen ardaydu hasa yeeshee sanadka nasiibuma helin in arday ka soo baxdo oo waaba xidhanyahay,
 

Waxa uu ahaa dugsi ku yaala deegaan ballaadhan oo ay ku dhaqan yihiin dadwayne tiro badan, Waxaanu dabooli jiray baahida ay dadka deegaanku u qabaan waxbarashada dugsiga sare,

Geesta waxa maalinba maalinta ka danbaysa sii kordhaysa tirada bulshada ku dhaqan degmada dhoqoshay iyo deegaanada ay xukunto waxaana taa gudub socota baahida ay u qabaan waxbarashada,

Waxaana guud ahaanba madmadow galay rajada da'ayara ku nool deegaanada ay xukunta degmada dhoqoshaymadaama ay ka xidhantahay ilshii keliya ahayd waxbarasho ee ay eeganayeen, Lamana garanayo sababta uu u xidhan yahay ilaa hada dugsiga sarre ee degmada dhoqoshay oo kaalin muuqata ugu degmada iyo gobolkaba Mana jiro qorshe cad oo ilaa hada muuqda oo ay wasaarada waxbarashadu ku qaabishay xidhitaanka dugsiga sarre ee dhoqoshay,

Hasa yeeshee bulshada ku dhaqan degmada dhoqoshay waxay ka dhursuganayaan talaabada iyo go'aank ay ka qaadato dusiga xidhmay halboolaha u ahaa degmada dhoqoshay iyo qarankaba