Gudaha:-Masuuliyiinta Waxbarashada oo la kulmay Guddoomiyeyaasha Waxbarashada ee Gobollada Dalka.

0
Thursday June 13, 2019 - 13:11:03 in by salman abdi
  • Visits: 337
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudaha:-Masuuliyiinta Waxbarashada oo la kulmay Guddoomiyeyaasha Waxbarashada ee Gobollada Dalka.

    Gudaha:-Masuuliyiinta Waxbarashada oo la kulmay Guddoomiyeyaasha Waxbarashada ee Gobollada Dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudaha:-Masuuliyiinta Waxbarashada oo la kulmay Guddoomiyeyaasha Waxbarashada ee Gobollada Dalka.

Masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland oo ku guda jira u diyaar-garowga Imtixaanka shahaadiga ah oo dalka ka bilaami doona maalinta Sabtida ah ee 15 bishan ayaa maanta kulan la yeeshayilaaliyayaasha iyo guddoomiyeyaasha gobollada ee ka hawl-geli doona qeybinta iyo ilaalinta Imtixaanaadka.


Ugu horaynba waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Guddida Imtixaanaadka qaranka Daa’uud Axmed Faarax oo sheegay in wasaaradda waxbarashada iyo Saynisku u baahan tahay in xil weyn layska saaro sidii loo ilaalin lahaa loona sugi lahaa caddaaladda Imtixaankaasi, isagoo intaas ku daray inay guddoomiyaasha iyo xafiiska Imtixaanaadku ay heshiis wada galeen ayna waajib tahay in dhinac kastaa ka soo baxo waajibaadkiisa.

Sidoo kale, waxa halkaas ka hadlay Cadnaan Hagoog oo ka socday midawga Yurub iyo Axmed C/laahi oo ka socday Hay’adda African Education Trust oo taageerta xafiiska Imtixaanaadka iyo Wasaaradda Waxbarashada ayaa tilmaamay inay tahay sannadkii u dambeeyey ee ay la shaqaynayaan xafiiska Imtixaanaadka, iyagoo u rajeeyey in Illaahay ku guuleeyo dedaalka ballaadhan ee ay wado wasaaradda Waxbarashadu.

Sidoo kale, waxa madashaas ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Abokor Maxamed, Waxaanu sharraxay shuruucda iyo nidaamka loo dhigay Imtixaanka, isagoo ilaaliayayaasha kula dardaarmay inay waajibaadkooda gutaan iyagoo ku baraarugsan xisaabta hortaala if iyo Aakhiraba.

Agaasimaha Waxbarshadu wuxuu xusay in cid kasta oo ku gafta nidaamka Imtixaanka la horgayn doono maxkamadaha dalka.

Dhanaciisana Agaasimaha guud ee waxbarashada sare Axmed Muuse Muraad, oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in tayada waxbarashada lagu tayeyn karo Imtixaanaadka dugsiyada hoose dhexe iyo ka dugsiyada sare, oo lagu soo saari doono Arday aqoontoodu dhisan tahay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Md. Maxamed Daahir Axmed, oo halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in Ardayda waqtigan Imtixaanka u fadhiisanaysaa tahay hoggaamiyeyaashii bari ee bulshada isla markaana ay hanboon tahay in dedaal xoog leh la geliyo si ay u noqdaan hoggaamiyaal wanaagasan oo bulshada iyo dalkaba waxtara.

Ugu dambayntii waxa munaasibadaas soo gabogabeeyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Md. Cismaan Jaamac Aadan, oo sheegay inay wasaaradda waxbarashadu hawl weyn soo qabatay imikana ay gacanta u gelisay masuuliyiinta kala duwan ee waxbarashada oo ay ugu horeeyaan guddoomiyeyaasha iyo ilaaliyaasha oo horeba hawshan u qaban jiray, loona baahan yahay inay sii xoojiyaan gudashada waajibaadkooda, isagoo wasiirku xusay in qaranku amaan weyn u hayo aqoonyahannada kobciya aqoonta ubadkeena oo ah kuwa lagu aaminay waxbaridooda.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ayaa keentay qalab Telefoonnada hawada lagaga saarayo oo loogu talogalay in lagaga gaashaanto Qishka.