Xildhibaan Dhakool Oo Dalbaday Raali Gelin Uu Siiyo Shacabka Somaliland Iyo Mawqifka Uu Ka Taagan Yahay Xukuumada

0
Saturday June 15, 2019 - 12:02:21 in by salman abdi
  • Visits: 386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Dhakool Oo Dalbaday Raali Gelin Uu Siiyo Shacabka Somaliland Iyo Mawqifka Uu Ka Taagan Yahay Xukuumada

    Xildhibaan Dhakool Oo Dalbaday Raali Gelin Uu Siiyo Shacabka Somaliland Iyo Mawqifka Uu Ka Taagan Yahay Xukuumada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Dhakool Oo Dalbaday Raali Gelin Uu Siiyo Shacabka Somaliland Iyo Mawqifka Uu Ka Taagan Yahay Xukuumada
Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo tirsan mudanayaasha golaha wakiilada somaliland isla markaana ay xukuumadu xabsiga dhigtay ka dib markii uu ka horyimid xuska 18-ka May ayaa la sheegay inuu go’aansaday inuu raali gelin siiyo shacabka somaliland.


Warar ay heshay warbaahintuayaa sheegay in xildhibaan Dhakool uu dalbaday in xoriyadiisa loo celiyo isla markaana uu haatan doonayo inuu shacabka somaliland raali gelin ka siinayo hadaladii uu ku duray xuska 18-ka May ee ay shacabku u dabaal dagaan madax banaanida dalkooda.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xildhibaan Dhakool ku adkaysanayo in madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisu ay ku qaldan yihiin xadhiga loo gaystay waxaanu ganafka ku dhuftay inuu xoriyadiisa helo iyada oo aan xukun ku dhicin.

Dhinaca kale masuuliyiin hore xilal u soo qabtay, xildhibaano iyo waxgarad kale oo ay isku deegaan yihiin Xildhibaan Dhakool ayaa shacabka somaliland raali gelin buuxda ka siiyey hadaladii xildhibaankaasi ee la xidhiidhay 18-ka May, iyaga oo sheegay inay wakiil kaga yihiin xildhibaanka oo ay is arkeen,




Wasiirkii hore ee cadaalada somaliland Axmed Xasan Cali Casoowe oo ka mid ahaa masuuliyiinta raali gelinta bixiyey ayaa waxa uu yidhi " Shacabka Somaliland ayaanu ka mid nahay waxaanan cadaynaynaa inaanay 18-ka May ahayn maalin madow balse ay tahay maalin ay isku yimaadeen dadka reer somaliland oo ay wada dhisteen dawlada , qiime weyna ku leh shacabka somaliland waxaanan beesha afkeeda ku bixinaynaa inaanay 18-ka May munaasib ku ahayn maalin madow ee ay tahay maalin ay umadu nabadeedii saxatay.”ayuu yidhi ex wasiir casoowe.



Sidoo kale waxa uu cadeeyey inay iska arkeen xildhibaan Dhakool isla markaana raali gelin siinayaan shacabka somaliland "Hadalkii ka soo baxay xildhibaanka waanu ka raali gelinaynaa shacabka somaliland anaguna xildhibaanka waanu is aragnay sidaas ayaanan u soo gudbinaynaa shacabka.”