Qaramada Midoobey Oo War Ka Soo Saartey Xiisada Bariga Dhexe

0
Sunday June 16, 2019 - 11:25:06 in by salman abdi
  • Visits: 496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobey Oo War Ka Soo Saartey Xiisada Bariga Dhexe

    Qaramada Midoobey Oo War Ka Soo Saartey Xiisada Bariga Dhexe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobey Oo War Ka Soo Saartey Xiisada Bariga Dhexe

Sucuudiga ayaa doonaya in jawaab "degdeg ah oo go’aan leh” laga bixiyo weerarradii dhawaan lagu qaaday maraakiibta saliidda ee gobolkaa marayey.

Wasiirka tamarta, Khaalid Al-Faalix, ayaa ka dardaar weriyey khatarta arintaasi ku yeelan karto shidaalka iyo suuqiisa dunidaba.

Khamiistii ayaa laba markab oo kuwa saliidda qaada ah lagu weeraray gacanka Cummaan, bilk a horna afar kale ayaa meel ka baxsan xeebaha Imaaraadka lagu beegsaday.

Maraykank ayaa arint ku eedeeyey Iran, hase yeeshee Iran way beenisay in ay wax lug ah ku leedahay.

Weerarradaasi waxay dhaceen iyadoo ay xiisadda labada dal dhex taal sii kooxgaysanays. Qiimaha shidaalkuna wuxu tan iyo dhacdadii Khamiistii kor u kacay 4%.

Maraykanka ayaa soo bandhigay muuqaal muujinaya ciidamo Iran-niyiin ah oo saxiimad yar saaran oo miino badeed aan qarxin ka fujinaya labada markab midkood. Laakiin caddayn muujinaysa in Iran ku lug leedahay weerarradii hore u dhacay may soo bandhigin.

Xidhiidhka Maraykanka iyo Iran ayaa sii xumaaday tan iyo markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump xilka la wareegay sannadkii 2027 ee uu ka baxay heshiiskii nukliyeerka Iran cunoqabatayntana ku sii adkeeyey.

Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Gutteres, ayaa ku baaqay in ay lama huraan tahay in baadhitaan madax bannaan oo dhacdaa caddeeya la sameeyo.

Ururka ugu weyn ee ay ku mideysan yihiin milkiilayaasha maraakiibta caalamka ee BIMCO, ayaa ka digay xaaladda ka sii daraysa ee marinka Hormuz iyo Khaliijka Carabta kadib weerarradii ugu dambeeyay ee halkaa lagula beegsaday maraakiibta shidaalka.

Madaxa ammaanka badaha ee ururkaasi, Jakob Larsen, ayaa sheegay in xiisaadda ay hadda gaartay meeshii ugu saraysay iyadoo aanu dhicin wax dagaal ah.

Laba markab ayaa Khamiistii lagu qarxiyay marinka Hormuz, waxaana halka lagu beegsaday ay qiyaastii 46 kilommitir koonfur uga beegan tahay xeebaha Iran.

Xukuumadda Washington ayaa ku eedeeysay Iran inay ka dambeysay qarxayadaasi, iyadoo ciidanka badda ee Maraykanka uu faafiyay muuqaal uu sheegay inuu muujinayo xooggaga sida gaarka ah u tababaran ee Iran oo miino badeed aan qarxin ka fujinaya mid kamid ah maraakiibta.

Tehran ayaa si adag u beenisay eedeymahaasi, waxaana ay weerarrada ku eedaysay koox aanay magacaabin oo ay sheegtay inay doonayso waxyeelleynta xiriirka ay Iran la leedahay caalamka intiisa kale.

Dhanka kale madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, oo dalkiisa iyo Maraykanka khilaaf ganacsi dhex yaal ayaa ballanqaaday in taageerada uu dalkiisa siiyo Iran joojinayn. Qiyaastii shan meeloodow meel shidaalka dunida oo dhami wuxu maraa marinka Hormuz oo Iran sheegtay in nabadgelyadiisu tahay xil iyada saaran.

Xiisadda Bariga Dhexe ka taagan ayaa beryahan isa soo taraysay waxaanu Maraykanku u diray gobolkaasi ciidamo dheeraad ah iyo maraakiib dagaal.

Waxa ay aad sare ugu kacday tan iyo markii uu xukunka Maraykanka la wareegay madaxweyne Donald Trump sanadkii 2017, kaasoo ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee uu Obama la galay Tehran, waxaana uu cunaqabateyn dheeraad ah kusoo rogay Iran.

Khilaafku ma aha wax dhex yaal Maraykanka iyo Iran oo keliya, waxa uu sidoo kale u dhaxeeyaa Iran iyo Sacuudiga oo ah laba quwadood oo kala mad-hab ah, khilaafka siyaasadeed ee dhex yaallaana saamayntiisa ku yeeshay dalal badan oo gobolka ah.