Deg Deg Ah:-Qaramada Midoobay Oo Ka Digtay In Shidaal Laga Soo Saaro Soomaaliya.

0
Sunday June 16, 2019 - 11:32:30 in by salman abdi
  • Visits: 357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg Ah:-Qaramada Midoobay Oo Ka Digtay In Shidaal Laga Soo Saaro Soomaaliya.

    Deg Deg Ah:-Qaramada Midoobay Oo Ka Digtay In Shidaal Laga Soo Saaro Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deg Deg Ah:-Qaramada Midoobay Oo Ka Digtay In Shidaal Laga Soo Saaro Soomaaliya.

Golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa ka digay shidaal wakhtigaan laga saaro dalka Soomaaliya.

 

 

Warbixin ay soo saartay guddiga ka hortagga xayiraada hubka ee dalalka Soomaaliya ee Eritrea ayaa lagu sheegay in shidaal laga qodo dalka ay wiiqi karto dadaalada lagu doonayo dib u soo celinta Nabada.

 

Gudiga ayaa tusaale u soo qaatay xidhiidhka aan wanaagsaneyn ee u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dowlada Dhexe oo ku kala aragti duwan heshiiska iyo hab loo Maareynayo wax soo saarka Shidaalka.

 

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa 20 bishii May qalinka ku duugay heshiiska wax soorka shidaalka.

 

 

Balse shir ka dhacay isla horaantii bishii hore ismaamulka Puntland oo u dhaxeeyay maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe oo la xidhiidha arintaan ayaa ku dhamaaday is faham La,aan.

 

 

Inkastoo soomaaliya ay ka faa,ideysan karto dhaqaalaha shidaalka ayaa hadane gudiga xayiraada hubka ee dalalka Eritrea iyo soomaaliya waxay qabaan in ay keeni karto xasilooni darro iyo dagaal sokeeye oo ka dhaca Dalka Soomaaliya.