Wasiir Hinda Gaani Qaabkee Ayay Shaqadda Qaranka Ugu Adeegtaa

0
Sunday June 16, 2019 - 11:57:47 in by salman abdi
  • Visits: 355
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Hinda Gaani Qaabkee Ayay Shaqadda Qaranka Ugu Adeegtaa

    Wasiir Hinda Gaani Qaabkee Ayay Shaqadda Qaranka Ugu Adeegtaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Hinda Gaani Qaabkee Ayay Shaqadda Qaranka Ugu Adeegtaa

Wasiirka Wasaarada Shaqo-gelinta Arimaha, Bulshada iyo Qoyska JSM Waxay kasoo Baxdey Doorkeedi Shaqo Ee uu igmadey Madaxweynaha JSM Mudane Muuse Biixi Cabdi.

 

 

 

Gudida Dhalinyarada Aqoon Yahanada Somaliland Oo wada Qiimayn Research Wasaaradaha Dalka uguna Horeysiiyey Wasaarada shaqo gelinta Arimaha Bulshada Somaliland oo saxafada uso bandhigey wax qabadka Fiican ee kala kulmeen wasiir Hinda Jama Xirsi.


Wasaarada Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska waxay door muhiima ugu fadhidaa Qaranka Jamuhuriyada Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi isagoo u igmaday wasiirkii ugu haboonaa ee wasaarada soo mara. Wasiir Hinda Jaamac Xirsi (Gaani).


Wasiir Hinda waa wasiir firfircoon ku fiican shaqada una debecsan dadkeeda jilicsan ee ay masuulka ka tahay. Waxay ka shaqeysiisay dardar gelisay korna u dhamaan waaxaha Wasaaradeeda iyadoo xidhiidh wada shaqayneed oo dhaw la leh masuuliyiinta ay u igmatay waaxaha iyo shaqaalaheeda oo dhan.


Mudadii ay joogtey Marwo Hinda Jamac waxay ku talaabsatey horumar-weyn kana samaysay wasaarada waxayna ku dhiiratey iney daboosho intii karaankeeda ah baahiyaha kala duwan ee bulshada Iyadoo sameysay Maamul daadejin abuurteyna waaxo u adeega bulshada si loo yareeyo baahiyaha waxna loogu qabto dadka reer Somaliland ee Masuulka u tahay.


Waa wasiir nidaamka shaqaalaheeda aan ku qiimayn hab reernimo, qof jeclaysi iyadoo u eegta aqoontiisa shaqsi ahaaneed iyo kartidiisa shaqo.


 

Anagoo ka mid ah bulshada dhalin yarada aqoon yahanka reer Somaliland (Somaliland Youth Educator) Waxaanu isu xilqaaney inaanu si tabaruca baxdi ugu samayno dhamaanba nidaamka ay ku shaqeeyan iyo waxay ka qabteen Madaxdii uu u igmadey Madaxweynaha Somaliland.


 

Ugu horeyna waxaanu Madaxweynaha ugu Hambalyeynaynaa inuu wasaarada Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyka u dhiibey cidii ku habooneyd (Right person with the right position) waxaanay ka muuqataa wasaaradda iyo wax u qabadka bulshada anagoo qiimaynayna dhamaan wasaaradaha oo dhan iyo halkay ku liitaan iyo meelaha u baahan in kor loo soo qaado cidaa uu madaxweynahu u igmada waxan kolba bulshada la wadaagi doona Xog rasmiya ee wasaaradaha kumana qiimayn doono qabiil iyo qof jeclaysi toona, waana sababtaan an Wasaaradan shaqo-gelinta, Arrimaha bulshada iyo Qoyska ugu soo horeysiiney maxaa yeelay waa halka ay hoos tagaan qaybaha bulshadeena oo dhan mudo badan oo an baxdi (research) ku samaynaynay calaa waax kasta waxa noo muuqatay oo markhaati cad oo la taaban karo kuso aragnay isbedelka wax qabad, maamul daadejin ay halkaa ka hir gelisay wasiir Hinda Jaamac Xirsi.


Waaxda Naafada iyo Doorka Wasaarada Wasaaraada Shaqo gelinta, Arimaha Bulshada iyo Qoyska waa Wasaaradda ay hoos timaado waaxda naafada (disability department) taas oo wasiir Hinda asaastay kana dhigtay waax gaara Waax gaarara mudadii ay joogtay markay aragtay baahida ay u Qabaan dadka naafada ahi inay ka helaan dawladooda meel ay gaar u leeyihiin oo loogu Qabto dhamaanba baahiyahooda asaasiga ah dhinac kastoy ahaataba iyadoo loogu qabtay wax yaabo muhiima u ah Sida Caawinta iyo ka war haynta Naafada dan yarta ah, shaqo ka saacidida Naafada wax baratay, Waxbarashada iyo inay helaan schooler ship si aqoontooda kor loogu soo qaado, siinta baaskiilado, Training kor loogu qaadayo xirfadooda iyo u dhicinta Xuquuqdooda shaqo marka lagu tacadiyo intuba waa wax si maalinle ah loogu qabto xafiska waaxdooda. Sidaa darteed wasiirka shaqo-gelinta Arimaha Bulshda iyo Qoyska Marwo Hinda Jama Xirsi waaxay Door wax ku ool ah ugu soo baxday dadka naafada ah inay helaan dhamaanba Tabashooyinka guud ee arimaha bulshaada waanay heleen manta.


Anagoo idinla wadaagi doona sawirada gun dhiga iyo cadeynta u ah warbixintayadan. Caruurta iyo Doorka ka Qaadatay Wasaaraddu Wasaaradda waxa waajibaadka ka saaran adeega aas-aasiga ee bulshada iyo ilaalinta xuquuqda carruurta, iyadoo wasaaradu sannadkii 2018,


xuduudaha dalka ugu samaysay adeeg carruur isugu jira muwaadiniin iyo ajaanib, carruurtaas oo ah carruurta socdaasha (Child on the move) tiradooduna gaadhaysay 1,798 (kun todoba boqol iyo siddeetan carruura) isla markaana tirada muwaadiniinta oo dhamayd 1,031 ( kun iyo koob iyo soddon carruura) lagu celiyey guryahoodi, halka 767 (todoba boqol iyo todoba lixdan carruura) oo ajaanib ahna lagu celiyey dalalkii ay u dhasheen oo ahaa Itoobiya, Jabuuti iyo Kiiniya.


 

Mudadii ay joogtay marwo Hinda Jaamac wasaarada shaqada, arrimaha bulshada iyo qoyska waxa wax weyn ka tartay caruurta darbi jiifka ah ee ku dhaqan Somaliland iyadoo xanaanayn joogta ah samaysay iyo goob lagu xanaaneeyo, wax lagu siiyo aqoon iyo xirfadna ku bartaan si nafahooda iyo mustaqbalkoodabau anfacaan.


 

Haya’daha UNICEF, Save the Children, iyo Haya’daha Islaamiga waada shaqaynta buuxda la leeyihiin waxaana cadeyn buuxda ku soo aragnay in wixii caawimo usoo mariyaan wasaarada caruurtaas si fiican loogu manage gareeyo baahiyahooda anagoo taabanayney xaqiiqada dhabta ah iyo sida loo maamuleyba 100% tahay sidii loogu talo galay.


 

Waxay soo martaa dhamaan gobolada Somaliland si macaawino iskugu jirta maryo, timaha oo laga jaro iyo kaalmooyin badan iyadu gacanteeda ugu gaadhsiiso. Sidoo kale wakhtiyada qaboobaha waxa loo qaybiyaa bustayaal iyo koodhadh dhaxanta wax uga tara. Waa wasiirka keliya ee maanta kaalintii hooyanimo ugu jirta ubadkaa yaryar ee darbi jiifka ah. Anagoo indhahayaga kuso aragnay sida ubadka loo xanaanaynayo waxna loo baraayo iyo nolosha isbedel ee wanaagsan maanta ku nool yihiin. NIDAAMKA DIWAAN-GELINTA SHAQAALAHA AJINABIGA AH Iyo Doorka Wasaarada.


 

Wasaaradda Shaqogelinta Arimaha Bulshada iyo Qoysku Maanta waxay Noqotay Wasaarada ugu dardarta iyo shaqada badan ahaan uguna dhaqdhaqaaqa badan sidaan kuso aragnay Gudi aqoon yahan Wasaaradaha taasina waxay horseedna u tahay Wasiirka Wasaarada Marwo Hinda Jamac Hirsi Gaani Mudadii ay wasiirka ka ahayd marwo Hinda wasaaradu waxay diwaangeliyeen ajaanibka ku sugan gudaha dalka kuwaas oo tiradoodu dhantahay 1,546 (Kun, shan boqol iyo lix iyo afartan) ajaaniba sannadkii 2018-kii.


 

Wasaaraduna ay siisay 212 (laba boqol, laba iyo toban) ka mida ajaanibkaasi ruqsada ogolaanshaha shaqo, ka dib markii ay wasaaraddu qiimaysay in shaqada ay qabanayaan aannu xirfadeeda qaban karin qof muwaadin ahi, waxa kale oo ay wasaaraddu u kur-gelid iyo sixitaan ku samaysay imtixaanaadka ay qaadaan hay’addaha ku sugan gudaha dalka, kuwa maxaliga ah iyo kuwa caalamigaa, iyadoo wasaaraddu curisay xeerar dhawra oo qaarkood gebegebo ku dhaw yihiin, dar-dar gelin iyo dib u habayna ay ku samaysay guud ahaan xafiisyada kala duwan ee wasaaradda, wasaaraddu waxay mar walba ka jawaabta baahiyaadka uga yimaada bulshada. Waana talaabo wax ku ool ah oo ku suntanaan doonta shaqada fiican ee wasiirku ka qabatay wasaarada mudadi ay joogtay.


La soco Qaybaha Danbe (Somaliland Youth Educator) Research Committee Hargeisa, Somaliland