Facebook Oo Lacag U Gaar Ah Sameysanaya

0
Wednesday June 19, 2019 - 12:05:50 in by salman abdi
  • Visits: 411
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Facebook Oo Lacag U Gaar Ah Sameysanaya

    Facebook Oo Lacag U Gaar Ah Sameysanaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Facebook Oo Lacag U Gaar Ah Sameysanaya Facebook ayaa wajahaya walaac caalami ah oo ku saabsan

go'aankeeda ah in la soo saaro lacag digital ah oo u gaar ah, oo loo yaqaan 'Libra'.


 

 

Shabakaddan bulshada ku wada xidhiidho ayaa sheegaysa in ay dadku ka bixinayso nidaamyada bangiyada dibadda, kuwaas oo awood u yeelanaya isticmaalidda adeegyadooda maaliyadeed markii u horreysay. Laakiin sharci-dajiyayaasha Mareykanka iyo Yurub ayaa ugu baaqay shirkadda in ay mashruucan hakiyaan.

Tani waa qorshe firfircoon oo ka yimi Facebook si ay u ballaadhiyaan


yihiin Mastercard, PayPal iyo Uber, si ay u sameeyaan hay'ad fadhigeedu yahay Geneva oo xukunta lacagtan cusub. Waxaa la filayaa in la furo lixda bilood ee hore sanadka soo socda.


Laakiin qorshahan ayaa walaac laga muujiyay sida uu ilaalin doono arrimaha gaarka ah. Maxine Waters, guddoomiyaha Guddiga Adeegga Maaliyadda ee Aqalka Maraykanka, ayaa sheegay in Facebook ay joojiso horumarinta lacagtan 'Libra' ilaa ay ka talobixiyaan waaxaha dawladeed ku shaqo leh arrimahan iyo sharci yaqaannadu. Adeeggan ayaa lacagta la isugu dirayaa taleefannada gacanta, sida farriimaha oo kale.


Habkan ganacsi ee cusub, waxaa qof walba oo wax ku kala iibsada laga jaran doonaa khidmad yar, waxaana uu dadka ku qasbi doonaa inay wakhti dheer ku qaataan Facebook-ga si ay u sameeyaan xayaysiisyo, ay lacagi ka soo gasho.