Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Safar Ugu Baxaya Dalka Ingiriiska,

0
Friday October 10, 2014 - 11:53:58 in by salman abdi
  • Visits: 735
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Safar Ugu Baxaya Dalka Ingiriiska,

    Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta oo Jimce ah u ambo-baxaya dalka boqortooyada Ingiriiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta oo Jimce ah u ambo-baxaya dalka boqortooyada Ingiriiska.


Madaxweynaha ayaa safarkiisan oo uu ku sii marayo Caasimadda dalka Itoobiya ee Addis-ababa waxa ku wehelin doona Wasiirrada Arrimaha dibadda, Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Ganacsiga, Dr. Muuse Qaasim, Marwada Koowaad ee qaranka, Aamina-weris iyo ganacsato door ah.
Ilo-wareedyo xog-ogaal ah, ayaa Wargeyska Somalilandtoday u sheegay in Madaxwaynaha Somaliland, uu Magaalada London kaga qayb-galayo shir caalamiya oo ay isugu imanayaan dawladaha Ingiriiska iyo Somaliland, isla-markaana ay qaban-qaabisay shirkadda caalamiga ah ee DMA (Developing markets associates), kaasi oo loogu talo-galay in lagaga hadlo ganacsiga Somaliland iyo hababka ugu fudud ee loo maalgashan karo Somaliland, kaasi oo furmaya 14-ka bishan.


Shirkadda ayaa hore u baahisay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti isugu jira wasiirro iyo ganacsato, ay ka qaybgeli doona shirkaasi oo aad muhiim ugu ah Somaliland.
Shirkadda DMA ee gacanta ku haysa qabsoomidda shirka maalgashiga iyo ganacsiga Somaliland ee ka dhacaya London, waxa maamulkeeda xubno ka ah siyaasiyiin, dhaqaaleyahanno, diblomaasiyiin iyo khubaro kala duwan oo xilal sare ka soo qabtay dawladda Ingiriiska, kuwaasoo ay ka mid yihiin; Mr. Henry Bellingham oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Afrika ee UK ilaa bishii September 2012. Waxa kaloo ku jira siyaasi la yidhaa Roger Martin oo ahaa xoghayaha arrimaha siyaasadda u qaabilsanaa laba ra’iisal-wasaare oo soo maray Britain iyo xubno diblomaasiyiin ah oo xilal safiirnimo ka qabtay waddamo adduunka ah.
Madaxwaynaha Somaliland, ayaa la filayaa inuu furitaanka shirkaasi ka jeediyo khudbad dheer oo ku taxaluqda Somaliland ka dhaqan galay.
Dhanka kale, shirkaasi ka dib waxa la filayaa in Madaxwaynaha Somaliland uu Magaalada London kula kulmo shirkadaha shidaal baadhista ee heshiisyada kula xukuumaddiisa, kuwaasi oo la saadaaliyey inay ka wada hadlayaan sidii dib nabadgalyada ka jirta Somaliland, fursadaha Maalgashi ee yaalla dalka iyo weliba ganacsiga xorta ah ee
loogu bilaabi lahaa sahaminta shidaalka, Maadaama oo hadda loo sameeyay ciidamadii qaabilsanaa ammaankooda.




Contact@afkashacabka.com