Meydka Abwaan Sangub oo lagu wado in maanta lagu Aaso magaalada Jigjiga

0
Friday June 21, 2019 - 11:58:05 in by salman abdi
  • Visits: 378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meydka Abwaan Sangub oo lagu wado in maanta lagu Aaso magaalada Jigjiga

    Meydka Abwaan Sangub oo lagu wado in maanta lagu Aaso magaalada Jigjiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Meydka Abwaan Sangub oo lagu wado in maanta lagu Aaso magaalada Jigjiga

Magaalada Jigjiga ee xarunta u ah Ismaamulka Soomaalida waxaa ka soconaya qabanqaabadii ugu danbeysay Aaska meydka Alle ha u naxariisteen Abwaankii Soomaaliyeed Maxamud Cabdullaahi Ciise Sangub.

 

 

Abwaanka oo bilihii ugu danbeeyayba xanuun la ildarnaa ayaa dhawaan ku geeriyooday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kaddib markii sida la sheegay lagu sameeyay qaliin.

 

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Abwaanno iyo Fanaanniin ayaa ku sugan magaalada Jigjiga kuwaa oo halkaa ku tagay ka qeybgalka Aaska Marxuumka.

Abwaan Sangub ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadka dhinaca Sugaanta ugu magac-dheeraa guud ahaanba gayiga Soomaaliya, waxaana lagu tirayaa in uu yahay Abwaankii lahaa ruwaayadihii ugu badnaa ee loogu jeclaa Soomaaliya.

Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cabdullaahi Ciise "Sangub” ayaa ku dhashay deegaan ka tirsan dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya horaantii 1944tii waxana uu ka mid ahaa Abwaanada ugu weynaa taariikhda Ummadda Soomaaliyeed isaga oo sameeyay ruwaayado iyo heeso badan oo caan ka ah dalka.