Midowga Yurub Oo Eegaya Xaaladda Bani-aadaminimo Ee Deegaannada Sool ee Dhawan Dagaladu Ka Dhaceen

0
Friday October 10, 2014 - 11:57:20 in by salman abdi
  • Visits: 640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Yurub Oo Eegaya Xaaladda Bani-aadaminimo Ee Deegaannada Sool ee Dhawan Dagaladu Ka Dhaceen

    Midowga Yurub, ayaa mar kale ka hadlay kala duwanaanshaha siyaasadeed ee xukuumadda Somaliland iyo siyaasiyiinta Gobolka Sool ee uu Cali Khaliif Galaydh ka mid yahay, taasi oo dhowr jeer sababtay dagaallo khasaare geystay oo dhex maray Ciidamada dawl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midowga Yurub, ayaa mar kale ka hadlay kala duwanaanshaha siyaasadeed ee xukuumadda Somaliland iyo siyaasiyiinta Gobolka Sool ee uu Cali Khaliif Galaydh ka mid yahay, taasi oo dhowr jeer sababtay dagaallo khasaare geystay oo dhex maray Ciidamada dawladda Somaliland iyo Maleeshiyaadka taageera kooxda la baxday Khaatumo.


Midowga Yurub, ayaa sheegay inay eegayaan xaaladda bani-aadaminimo ee ka jirta deegaannada gobolka Sool ee ay dhibaatada ka wadaan kooxda Khaatumo, isla-markaana wuxuu sheegay inay ku baraarugsan yihiin inay eegaan xaaladda nabadgalyo ee dhulkaasi ka jirta, maadaama oo aan loo baahnayn in hawlaha bani-aadaminimo la mushkiladeeyo.


Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso oo muddo shan maalmood ah safar ku joogay magaalada Hargeysa, isla-markaana doraad la kulmay Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Siilaanyo, ayaa saxaafadda uga waramay ujeedadiisa safarkiisa, waxaanu ka jawaabay su’aalo laga waydiiyey arrimo badan oo ay ka mid yihiin xaaladda ammaan ee deegaannada gobolka Sool ee ay dhibaatada ka wadaan kooxda la baxday Khaatumo.
Ambassador, Michele Cervone d’Urso oo ugu horeyn ka hadlaya hawlaha bani-aadaminimo ee ay ka wadaan Somaliland, ayaa yidhi "Waxaanu halkan u joognaa inaanu kormeerno hawlaha bani-aadanimo ee (Midowga Yurub) ka fuliyo Somaliland, halkaasina (Khaatumo) waxay ka mid tahay meelaha aanu eegayno, arrimaha bani-aadaminimo oo kaliyana ma eegayno, ee waanu ku baraarugsanahay inaanu eegno xaaladda ammaanka, maadaama oo ay jiraan dad gargaar u baahan”
Ambassador, Michele Cervone d’Urso, oo la waydiiyey waxa ku kalifay dalalka Midowga Yurub dhawaaqii ay ka soo saareen hawl-galkii Saax-dheer, ayaa ku jawaabay "Dagaalkii halkaasi ka dhacay waxa uu ahaa mid ku sallaysnaa kala duwanaansho siyaasadeed, farriintayaduna waxay ahayd in wada hadal lagu xalliyo, maadaama oo wada hadalku yahay furaha kaliya” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Markaad dib ugu noqoto sagaashanaadkii, wadahalladii dadka Somaliland waxa lagu dhaliyey nabadgalyo, waana tusaale aad u fiican

Contact@afkashacabka.com