Xisbiga Waddani Sidee Ayuu U Arkaa Shaqada Uu Bilaabay Komishanku Iyo Cabudhinta Xukuumada Ee Warbaahinta

0
Friday June 21, 2019 - 18:50:23 in by salman abdi
  • Visits: 337
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Sidee Ayuu U Arkaa Shaqada Uu Bilaabay Komishanku Iyo Cabudhinta Xukuumada Ee Warbaahinta

    Xisbiga Waddani Sidee Ayuu U Arkaa Shaqada Uu Bilaabay Komishanku Iyo Cabudhinta Xukuumada Ee Warbaahinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Waddani Sidee Ayuu U Arkaa Shaqada Uu Bilaabay Komishanku Iyo Cabudhinta Xukuumada Ee Warbaahinta

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka hadlay sababta keentay inay ka qayb gali waayaan kulan uu ku soo martiqaaday guddida doorashooyinku.


Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ah hogaanka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa warbaahinta uga waramay sababta keentay in xisbigaasi uu ganafka ku dhufto martiqaad uga yimid guddida doorashooyinka somaliland.

Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo ka hadlaya go’aanka xisbiga Waddani ee komishanka ayaa waxa uu yidhi "Komishankan waakii xisbiga Waddani hhore go’aanka uga soo saaray ee kalsoonidii kala noqday mudo sanad iyo dheeraad ka hor ah, Waddanina wada shaqayn lama laha komishankan hada jooga inta uu joogana wada shaqayn la yeelan maayo oo inta go’aankiisii hore taagan yahayba halkaas ayuu ka joogaa, waxaanan u aragnaa shaqo khusaynaysa doorasho la gali doono xisbigaasina ka maqan yahay inaanay mid waxtaraysa ahayn, waxaana ii sii muuqata in sanadkaas iyo badhkaba la lahaa doorasho ayaa qabsoomaysa hore-na waxa uu wakhtigu uga dhacay iyada oo la leeyahay way qabsoomaysaa korodhsiimana waa la bixiyey, hadana ma muuqato in shantaas bilood ay doorasho ku qabsoomayso.”


Sidoo kale xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid ayaa soo bandhigay cida qaadanaysa dhaliisha dib u dhaca doorashada "Eedeedana waxa iska leh cida qawaaniinta baalmartay ee gees martay sidii loo xalin lahaa carqaladdaha jira ee komishanku soo gudbiyey ee lixda ahaa kuwaas oo aan khusayn xisbiga Waddani balse badankooda xukuumada sugaysa, mana filayo in doorasho dhacayso.”


Dhinaca kale xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid ayaa xukuumadu ugu baaqay inay dulqaad u yeelato warbaahinta isla markaana aanay xoog ku muquunin waxaanu yidhi ""Waxay ahayd in xukuumadu dulqaad muujiso oo ay dulqaad u yeelato warbaahinta iyo xoriyatul qawlka oo aanay noqon xukuumad caban oo qofkii hadla iyo warbaahinta isku duubta balse ay u dulqaadato xoriyaadka uu dastuurku bixiyey, dhaliilaha iyo eedaha ay iyadu leedahayna ay asdurato oo ay saxato, waxa laga waramayaana waa dhaliilo, xoriyatul qawlkana waxa uu aduunku u horumariyaa in dhaliilaha jira marka la tilmaamo ay xukuumaduhu saxdaan, balse aanay noqon in iyaga oo gabigooduba wada dhaliila aanay hadana xoog ku muquunin xoriyatul qawlka.”