Gudaha:-Xisbiyada Mucaaridka Oo Xukuumada Uga Digay Jabinta Xeerarka Iyo Shuruucda Dalka

0
Friday June 21, 2019 - 19:14:30 in by salman abdi
  • Visits: 418
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudaha:-Xisbiyada Mucaaridka Oo Xukuumada Uga Digay Jabinta Xeerarka Iyo Shuruucda Dalka

    Gudaha:-Xisbiyada Mucaaridka Oo Xukuumada Uga Digay Jabinta Xeerarka Iyo Shuruucda Dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudaha:-Xisbiyada Mucaaridka Oo Xukuumada Uga Digay Jabinta Xeerarka Iyo Shuruucda Dalka

Labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo Waddani ayaa sheegay inay Xukuumaddu si badheedh ah u jabinayso Xeerarka, Sharciga iyo Dastuurka Dalka, waxayna ugu baaqeen inay Xukuumaddu ilaaliso Sharciga.


Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac Xaamud iyo Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa ugu horeyn Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac Xaamud wuxuu hadalkiisi ku bilaabay "Waxa dal iyo dawlad lagu yahay waa sharciga iyo kala dambaynta, waxaynu nahay dal dimuqraadiyada, waxaynu leenahay Sharci, Shuruuc iyo Xeerar, ma joogno wakhtigii kali talisnimada, ee waa wax aad u kala fog inaynu dal dimuqraadiya aynu sheegano haddana la jabiyo xeerarka, sharciga, shuruucda iyo dastuurka dalka, waa sharci daro in telefishadanada dalka la xidho, waa xeer jabin in saxaafadda dalka oo madax banaan la cabudhiyo, mana ah inay Xukuumadda ka hor timaado xoriyadul qawalka”.


Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani oo hadalkiisii sii wata ayaa yidhi "Xukuumadda waxaa looga baahan dulqaad, iyo inay dadkeeda dhagaysato, Xukuumadda waxaa looga baahan yahay inay dadkeeda wax u qabato oo cadaalad ugu adeegto, balse loogama baahna inay xadhig iyo car hadal iyo car juuq dheh ay kaga dhegto, haddii uu Boqor Buurmadaw ku baaqay inuu Shir u qabto laba beelood oo walaalo ah, may ahayn inay xadhig ugu hanjabto oo waxaan ka suurgalina ku sifeeyso, ee Boqor Buurmadaw waa mid ka mid ah Odayaasha Madax-dhaqameedka Somaliland, ee nabada iyo wada jirka umadda in badan ka shaqeeya, ee waxaa laga sheegayana waa waxba kama jiraane, Xukuumaddu waxba yaanay baqdin iyo fulaynimo ka qaadin Shirku ku baaqay”.


Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa isna hadalkiisi ku bilaabay "Waxaa lagu kala socdaa, qawaaniinta iyo sharciga aynu dhiganay,haddii la waayana waxba inoo hagaagi mayaan, ee tan iyo markii dalka aynu dib ula soo noqonay xoriyada madax banaanida dalkeena, oo hadda sodon sanno ku dhaw, ma jiro laba Telefishin oo la xidhay, albaabadada loo laabay, waxaana dhab ah in labadan Telefishin ee la xidhay inay ka shaqeeynayeen shaqaale aad u badan, xadhigooda sifihii sharciga ahaa looma soo marin, warqad Maxkamaddeed ee lagu xidhay ma jirto, ee inay Xukuumaddu ka gilgilato oo ay u adkaysan weydo dhaliilaheeda loo soo jeedinayo, ee warbaahinta looga soo jeedinayo, waxaan u arkaa inay tahay ayaan daro weyn, waxaana ahayd inay Xukuumaddu khaldaadkeeda saxdo, marka dhaliil loo soo jeediyo, laakiin markaas inay maciin bido xadhiga warbaahinta, oo ka hor imanaya Dastuurka, gaar ahaan madax banaanida Saxaafadda, Qoraalka iyo Xoriyada hadalka, oo ah qodobka 32aad ee Dastuurka”.


Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi "Halkii looga baahna inay Xukuumaddu wax ka qabato waxyaabaha ka baylahsan, ama ay la timaado inay wax ka qabato dhibaatooyinka u baahan in wax laga qabto, maaha inay dib ugu soo noqoto Saxaafadda”