Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Gaadhi Ku Wareejiyey Xafiiska Xeer Ilaalinta Gobolka Awdal Kuna Soo Guryo Noqday Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa.

0
Sunday June 23, 2019 - 18:15:09 in by salman abdi
  • Visits: 454
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Gaadhi Ku Wareejiyey Xafiiska Xeer Ilaalinta Gobolka Awdal Kuna Soo Guryo Noqday Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa.

    Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Gaadhi Ku Wareejiyey Xafiiska Xeer Ilaalinta Gobolka Awdal Kuna Soo Guryo Noqday Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Gaadhi Ku Wareejiyey Xafiiska Xeer Ilaalinta Gobolka Awdal Kuna Soo Guryo Noqday Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo maalmihii lasoo dhaafay safar shaqo ku joogay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal ayaa saaka kormeer ku tegay qaar kamida Xarumaha Laamaha Dawladdu ku leedahay Gobolka Awdal, sida Xafiisyada Garsoorka,iyo Xarunta Badhasaabka Gobolka.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa booqasho ku tegay Xafiisyada Maxkamada Gobolka, Rafcaanka iyo Xeer Ilaalinta, halkaasi oo uu shirar kula qaatay bahda Garsoorka islamarkaana uu Madaxweyne ku xigeenku kala hadlay sidii dadka reer awdal ay u heli lahaayeen Cadaalad, isagoo xusay in adeega bulshada ee Cadaaladdu yahay shayga ugu weyn ee bulshadu u baahi qabto cadaaladduna tahay waxa deeqa aadamaha.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Gaadhi Nooca loo yaqaan (Laangaruurad) ku wareejiyey Xafiiska Xeer Ilaalinta ee Gobolka Awdal oo baahi weyn u qabay Gaadiid, Xeer Ilaaaliyaha Gobolka oo madashii wareejinta furaha gaadhigaasi ka hadlay ayaa Madaxweye ku xigeenka uga mahad celiyey inuu mudnaanta siiyey baahida garsoorka ee gobolka, isagoo hoosta ka xariiqay in xafiisku baahi dhanka gaadiidka ah uu qabay, gaadhigan lagu wareejiyeyna uu wax badan ka qaban doono adeega bulshada.

Madaxweyne ku xigeenka Qaranka Somaliland Mudane, Cabdiraxman Cabdilaahi Isamaaciil (Saylici) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa xusay in gaadhigan oo kamida gaadiidka Madaxtooyada gaar ahaana kuwa Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka ay ku wareejiiyaan Xeer Ilaalinta Gobolka Awdal ka dib markii uu arkay baahida ka jirta iyo in la dardar geliyo adeega bulshada ee Cadaaladda.

Ugu danbayntiina Madaxweyne ku xigeenka iyo waftigiisu waxay kusoo guryo noqdeen Dhanka Caasimadda ka dib safar maalmo qaatay oo uu Madaxweyne ku xigeenku iyo wafigiisu ku joogeen Xarunta Gobolka Awdal ee Boorama.

Wa-bilaahi tawfiiq