Erdogan Oo Markale Guuldarro Kala Kulmay Istanbul

0
Monday June 24, 2019 - 12:27:01 in by salman abdi
  • Visits: 506
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Erdogan Oo Markale Guuldarro Kala Kulmay Istanbul

    Erdogan Oo Markale Guuldarro Kala Kulmay Istanbul

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Erdogan Oo Markale Guuldarro Kala Kulmay Istanbul

Xisbiga ka arrimiya Turkiga ee AKP ayaa markale guuldarro kala kulmay doorashada ku celiska ee ka dhacday caasimadda Istanbul.

Musharraxa xisbiga mucaaradka Ekrem Imamoglu, ayey guusha doorashada ku raacday 54% iyada oo codadka intooda badan la tiriyey.


 

 

Doorashadi ka dhacday bisha March ee sanadkan oo guul la yaab leh ay ku raacday isla musharraxan, waxaa guushaasi ka soo horjeestay xisbiga AKP ee talada Turkiga haya isaga oo sheegay in doorashada lagu celiyo.


Ra'isal wasaarihi hore Binali Yildirim, ayaa doorashada lagaga guuleystay. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan wuxuu u hambalyeeyey musharraxa mucradka ee ay guusha raacday Ekrem Imamoglu.


Boggiisa Tweetarkana wuxuu ku qoray madaxweynaha "Ekrem Imamoglu oo ay guusha codbixinta doorashada hordhaca ka soo baxday ku saleysan ay raacday waan ugu hambalyeynayaa."


Natiijada doorashada Istanbul ayaa lagu tilmamay iney tahay caqabad kale ku soo korodhay siyaasadda Erdogan, isaga oo horay u yiri "Ciddi ku guuleysata Istanbul waxay ku ku guuleystay Turkey".


Mr Imamoglu oo guusha uu gaaray ka hadlay wuxuu sheegay iney natiijada ay astaan u tahay "billowga cusub" ee caasimadda iyo dalkaba.

"Waxaan Istanbul u fureynaa albaab cusub oo caddaalad, sinnaan iyo jeceyl ku qotoma" ayuu yiri.


Wuxuuna intaa ku daray "Waxaan diyaar u ahay inaan Madaxweyne Erdogan inaan si wanaagsan oo daacadnimo leh kuula shaqeeyo."


Mr Imamoglu wuxuu doorashada ku hoggaaminayey 775,000 oo cod, tirada codadka uu ka helay doorashada ku celika oo ka sarreyso tii dhacday bisha March wuxuu musharraxa AKP ee la tartamayey uu kag guuleystay 13,000 oo cod.


Madaxweyne Erdogan oo ah madaxweynihi ugu awoodda badnaa ee soo mara Turkiga wakhtgan casriga ah waxay guul darradan ku noqonaysaa arrin uusan fileyn oo u baahan inuu wax ka baddalo siyaasaddiisa caasimadda iyo tan dalkaba.


Natiijada doorashada ayaa tilmaameysa inuu xisbiga talada haya uu qiyaas khaldan ka qaatay doorashada caasimadda Istanbul marka uu ku dhawaaqay in doorashada lagu celiyo.


Xisbiga mucaaradka ee CHP guusha ku raacday magaalada waxay noqoneysaa mid uu uga sii gudbo inuu talada dalka oo dhan sidi uu u hanan lahaa uu u hanqal taago maadaamaa xisbiga talada haya uu kaga guuleystay caasimadda dalka.


Musharrixiinta tartamay kuwey ahaayeen?



Mr Imamoglu, oo 49 jir ah wuxuu ka soo jeedaa xisbiga mucaaradka CHP wuxuuna horay uu u soo ahaa guddoomiyaha degmada Beylikduzu oo ka tirsan magaalada Istanbul.


Musharraxan oo magaciisa aad loo aqoon ayaa ku soo caan baxay doorashadi duqa magaalada ee istanbul ka dhacday bishi March


Mr Yildirim oo ahaa musharraxa xisbiga talada Turkiga haya ee AKP oo laga guuleystay wuxuu ka mid yahay xubnihi aasaasay xisbiga, inta u dhaxeysay 2016-2018-ka wuxuu soo ahaa Ra'isal wasaaraha dalka Turkiga.


Waxaana sida oo kale soo hayey xilalka ay ka midka yihiin Guddomiyaha Barlamaanka Turkiga iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta.


Maxaa meesha looga saary natiijadii hore?


Aqlabiyadda yar ee uu ku guulaystay Mr Imamoglu ee 13,000 cod ahayd kuma aanu qancin Mr Yildirim.


Xisbiga talada dalkaas haya ayaa ku andacooday in codadka la musuqmaasuqay, arrintaas oo keentay in guddiga doorashooyinku ay ay ku celiyaan doorashada Istanbul.


Dadka dhaliilsan tallabadan ayaa sheegaya in cadaadis ka yimid dhanka madaxweyne Erdogan dartiis go'aan kaas loo gaaray.


Maxaa doorashadan Muhiim ka dhigay?

Recep Tayyip Erdogan laftiis ayaa horay u soo noqday maayarka Istanbul - sannadkii 1994-tii.


Waxa uu aas aasay xisbiga AKP sannadkii 2001 waxa uuna soo noqday Ra'iisal Wasaare intii u dhaxaysay 2003 ilaa 2014, markaas oo uu madaxweyne noqday.


Si kastaba ha ahaatee khilaafka ka dhex taagan xisbiga AKP ayaa haatan bannaanka u soo baxay arrintaas oo ka sii dari karta haddii xisbigu uu doorashadaan ku guuldarraysto.


"Madaxweyne Erdogan guul darrada uu xisbigiisu kala kulmay doorashada Istanbul welwel aad u weyn ayay ku abuureysaa" ayuu yiri Murat Yetkin oo ah wariye ahna qoraa caan ah ka hor inta ay doorashadaba dhicin.


"Awood kasta oo uu haysto iyo wax kasta oo uu sameyn karo wuu ku dhaqaaqaya intey doontaba ha ku qadatee wuxuuna doonayaa iney xukumaddiisa in mudda ah sii jirto" ayuu sii raciyey.


"Xaqiiqduse waxay tahay, madaxweyne Erdogan weli waa madaxweynaha dalka Turkiga, isbahaysiga uu hoggaaminaya ayaana aqlabiyadda baarlamanka dalka Turkiga haysta, hase yeeshee guul darrada soo wajahday waxay billow u tahay dhammaadka wakhtiga Erdogan" ayuu yiri Mr Murat Yetkin.