Kullankii Baarlamaanka oo furmay xilli digniin loo diray xildhibaannada kullamada ka maqan

0
Monday June 24, 2019 - 12:54:55 in by salman abdi
  • Visits: 446
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kullankii Baarlamaanka oo furmay xilli digniin loo diray xildhibaannada kullamada ka maqan

    Kullankii Baarlamaanka oo furmay xilli digniin loo diray xildhibaannada kullamada ka maqan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kullankii Baarlamaanka oo furmay xilli digniin loo diray xildhibaannada kullamada ka maqan
Kullanka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadda ku furmay Kooram dhan 144 Xildhibaan.Ajandaha kulanka ayaa ah cod u qaadidda hindise sharciyeedka dhismaha guddiyada la dagaallanka musuq maasuqa.

Furitaanka kullanka ayaa dib u dhacay ku dhowaad soddon daqiiqo , iyadoo wal wal uu ka taagnaa inuu kullanka kooram la’aan u baaqdo,waxaana dagniin loo diray xildhibaannada fadhiyada ka maqnaa.

 

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha shacabka Mahad Cawad, ayaa ka hadlay Xildhibaannada ka maqan lamarsiiyo anshaxa , wuxuu yiri "Xildhibaan ka maqnaada kullamadda Golaha ilaa saddex kulan waxaa lasiinayaa digiin.” -Isagoo inta ku daray in haddii Xildhibaan ku imaan waayo ilaa toddobo kullan laga qaadi doono tilaabadda labaad oo ah xil gudasho la'aan sidaa darteeda gunadda uu qaado shan meelood laga jari doono.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacab ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal, ayaa u yeeray Xildhibaan Axmed Taaw, oo ka tirsan Guddiga Cadaaladda Golaha shacabka.

Xildhibaan Axmed Taaw, ayaa Golaha Shacab ka hor akhrinayay sharciga dhismaha Guddiyadda la-dagaallanka Musuq maasuqa oo ay horay u meel mariyeen.Sharcigaan ayaa Golaha Shacab waxaa ku soo celiyay Aqalka Sare, oo meelaha qaar ka bad badalay Xildhibaan Axmed Taaw, ayaa sheegay in meelaha qaar laga saxay sharciga.

Ugu dameeyntii waxa uu sheegay in dhammaan qodobbadii wax laga badalay ay ahaayeen kuwa leh hab raacyo sax ah "waxaan codsanayaa in la ansixiyo" ayuu yiri Xildhibaan Axmed Taaw.

Cod u qaadidda sharcigan ayaa dib u dhacday maalintii Sabtida, markii kullanka Baarlamaanka uu u baaqday kooram la’aan.