Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Agoonsiga ka Guddoomay Danjireyaasha Dalalka Canada iyo Austria

0
Tuesday June 25, 2019 - 17:34:30 in by salman abdi
  • Visits: 468
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Agoonsiga ka Guddoomay Danjireyaasha Dalalka Canada iyo Austria

    Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Agoonsiga ka Guddoomay Danjireyaasha Dalalka Canada iyo Austria

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Agoonsiga ka Guddoomay Danjireyaasha Dalalka Canada iyo Austria
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Austria iyo Canada ee Soomaaliya.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Austria Christian Fellner oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Alexander Van der Bellen ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran.

Sidoo kale, Danjiraha cusub ee dalka Canada Lisa Stadelbauer oo warqadaheeda aqoonsiga u gudbisay Madaxweynaha ayaa sheegtay sida ay ugu faraxsan tahay in ay ka mid noqoto bahda diblumaasiyiinta ka hawlgala dalkeenna.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhexeeya dalalka caalamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjireyaasha cusub ugu hambalyeeyay xilalka loo magacaabay, waxa uuna u sheegay in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.