Midowga Afrika Oo Shaaciyay In Aanay Ogolaan Doonin Xad-gudubyada Kufsiga Ah Ee Loo Geysto Haweenka Soomaalida

0
Friday October 10, 2014 - 22:48:54 in by salman abdi
  • Visits: 766
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Afrika Oo Shaaciyay In Aanay Ogolaan Doonin Xad-gudubyada Kufsiga Ah Ee Loo Geysto Haweenka Soomaalida

    Ergeyga khaaska ah ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, isla marakaana ah madaxa hawl-galka ciidamada AMISOM, Maman Sambo Sidikou, ayaa shalay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika si rasmi ah uga furay aqoon-isweydaarsi socon doona

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ergeyga khaaska ah ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, isla marakaana ah madaxa hawl-galka ciidamada AMISOM, Maman Sambo Sidikou, ayaa shalay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika si rasmi ah uga furay aqoon-isweydaarsi socon doona muddo saddex maalmood ah kaas oo lagu baran doono nidaamyada ugu haboon ee looga hortagi karo wax ka qabashada gabood falyada xadgudubyada ah ee loo geysto haweenka oo uu kufsigu ugu horeeyo.


Aqoon-is-weydaarsigan uu furay ergaygu ayuu ku sheegay in aanay Midawga Afrika iyo ciidamada AMISOM, aanay aqbali doonin tacadiyada iyo xadgudubyada kufsiga ah ee loo geysto dumarka ku nool gudaha Soomalida, waxaanu carabka ku dhuftay in waajibaadka ciidamada AMISOM, ay ku jirto illaalinta iyo sugida amniga iyo xasiloonida 
taas oo lagu meel mariyay ansixintiisa golaha ammaanka ee Jimciyada Quruumaha ka dhexaysa, iyada oo la raacayo qannuunada iyo shuruucda dhinaca jinsiga iyo xuquuqda aadamaha.


Aqoon-is-weydaarsigan waxa ka qeyb galaya xubno ka kala socda dawlada Soomaliya, Qaramada Midoobay, Guddiga Midowga Afrika, kuwa hawl-galada ciidamada ANISOM, iyo xeel-dheerayaal khubaro ah oo ka kala socda Hay'adaha u olloleeya illaalinta xuquuqda aadamaha iyo Urrurada bulshada rayidka ah ee qaarada Afrka oo ay ku jirto Soomaaliya iyo hay'adaha kala duwan ee warbaahinta.

Si kastaba ha ahaatee, aqoon-is-weydaarsigan ayaa yimi kaddib, markii dhawaan ay Hay'adda caalamiga ah ee illaalinta xuquuqal insaanka ee Human Rights Watch, ay soo saartay war-bixin ay ku eedaysay ciidamada AMISOM, in ay kufsadeen kow iyo labaatan haween Soomaaliyeed ah gudaha Soomaliya, eedayntaas oo ay beeniyeen ciidamada AMISOM.


Contact@afkashacabka,com