Kiiska Caa'isha Ilyaas oo maanta go'aan laga gaarayo
Maxkamada Racfaanka dowlad gobolleedka Puntland ayaa lagu wadaa in ugu danbeyntii maanta ay go’aan ka gaarto xukunka ragga ku eedaysan kufsigii iyo dilkii Caasho Ilyaas Aadan oo ahayd inan yar oo reer Gaalkacyo ah.
Wali lama oga in maxkamadda racfaanku ay burin doonto xukunkii maxkamadda darajada koowaad iyo in ay ku raaci doonto toona.
Go;’aaanka maxkamda racfaanka lama oga, laakiin waxaa mar walba furan in eedeysanayaashu haddii ay ku qanci waayaan go’aanka maxkamada racfaanka markaa kiiska dacwada Caa’isho Ilyaas loo gudbiyo maxkamada sare oo leh go’aanka ugu danbeeya.
Ragga la xukumay ayaa kala ah: Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah oo ay fulinayso dowladda Punland.
Maxkamadda darrajada koowaad ayaa horay u sii deysay toddobo nin oo kale oo kiiskaan ku eedeeysnaa, kuwaas oo ay danbi ku wayday.
Kiiska Caa'isha Ilyaas oo maanta go'aan laga gaarayo
Kiiska Caa'isha Ilyaas oo maanta go'aan laga gaarayo