Xukuumada Somalia Oo Dad U Xidh-xidhay Dilkii Sulaakha +Tirada Dadka Ka Danbeeyay Dilka Gabadha.

0
Sunday June 30, 2019 - 08:33:22 in by salman abdi
  • Visits: 484
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somalia Oo Dad U Xidh-xidhay Dilkii Sulaakha +Tirada Dadka Ka Danbeeyay Dilka Gabadha.

    Xukuumada Somalia Oo Dad U Xidh-xidhay Dilkii Sulaakha +Tirada Dadka Ka Danbeeyay Dilka Gabadha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somalia Oo Dad U Xidh-xidhay Dilkii Sulaakha +Tirada Dadka Ka Danbeeyay Dilka Gabadha.

Taliska ciidamada Boooliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in la xiray qof ku eedeysan in uu ka danbeeyay dilka Suleeqo Yuusuf Axmed dhawaan meydkeeda laga helay hotel Caamir ee magaalada Muqdisho.

 

 
 
Taliye ku-xigeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Jen Zakiya Xusseen Axmed ayaa warbaahinta u sheegtay in kiiska dilka gabadhan loo soo xiray qof magaciisa lagu sheegay Bishaar Cabdirisaaq Maxamed.

 

"Ciidamada Boliiska gaar ahaan hoggaanka demibaarista CID ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan edeeysane Bishar Cabdirisaaq Maxamed kaa oo ku eedeeysan dilka marxuumada Suleeqo Yusuf Axmed falkaas oo dhowr cisho ka hor ka dhacay Hotel Caamir oo ku yaal degmada Howlwadaag.

Suleeqa ayaa la sheegay in aheyd 28 sano jir afar carruur ah heysatay waxaana la sheegay in qofkan loo soo qabtay dilkeeda uu xiriir hore kala dhaxeeyay kuna balansanaayeen hoteelka.

Dad ay isku dhawaayeen marxuumada ayaa sheegay in ay ka war hayeen in gabadhan ay aaday hoteelka kuna war-galisay in ay kula balansan tahay qofkan la qabtay oo ay xiriir hore lahaayeen.

Taliska Booliiska ma uusan bixin faah faahintaa ka badan oo la xiriira kiiska dilka gabadhan la sheegay in meydkeeda laga helay mid ka mid ah hoteellada Muqdisho.