Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee Solja Oo Ka Hadlay Go'aan Ay Xukuumadu Xayiraadii Kaga Qaaday Hay'addo Warbaahineed Oo Xidhnaa.

0
Sunday June 30, 2019 - 17:01:22 in by salman abdi
  • Visits: 382
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee Solja Oo Ka Hadlay Go'aan Ay Xukuumadu Xayiraadii Kaga Qaaday Hay'addo Warbaahineed Oo Xidhnaa.

    Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee Solja Oo Ka Hadlay Go'aan Ay Xukuumadu Xayiraadii Kaga Qaaday Hay'addo Warbaahineed Oo Xidhnaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee Solja Oo Ka Hadlay Go'aan Ay Xukuumadu Xayiraadii Kaga Qaaday Hay'addo Warbaahineed Oo Xidhnaa.

Sidoo kale, Ururka SOLJA, waxa uu taageersan yahay talaabo kasta oo lagu xaqiijinayo inay warbaahinta Somaliland si xor ah uga shaqayso dalka, isla markaana lagu xaliyo wixii khaladaad ah ee jira kulamada noocan oo kale ah ee ay wasaaradda iyo warbaahinta wax laa tirsanayaa yeeshaan. Ururka SOLJA, waxa uu ugu baaqayaa Xukuumadda Somaliland iyo Hay'addaha warbaahituba inay dhawraan shuruucda dalka isla markaana dhinac kastaa ku dhaqmo waxa dhiniciisa kaga aadan in uu ixtiraamo, maadaama ay dhinac walba masuuliyaddi saaran tahay.


SOLJA, waxay mar walba diyaar u tahay inay ilaaliso inaanu dhinac na ku xad-gudbin Dastuurka dalka u yaala iyo xeerka saxaafadda, kuwaas oo dhinacyada ku waajibinaya inay dhawraan Danta guud ee Qaranka. Xadhiga iyo sii daynta aan loo marin nidaam sharci ah oo ay caadaystaan labada dhinac waxay keenaysaa mar walba inay taagnaato qaylo-dhaanta u dhaxaysa labada dhinac, taasoo sumcad xumo ku ah haybada Dalka iyo madax banaanida saxaafadda iyo xorriyatul-qawlka Qarankani ku Caano-maalay ee aynu kaga duwanahay Wadamo badan.


Ururka SOLJA, waxa uu kula talinayaa Xukuumadda Somaliland inay la timaado siyaasad ay ku horumarinayso Saxaafadda Somaliland, isla markaana taageertaa wax kasta oo lau horumarinayo Mihnada Saxaafadda.


ugu danbayn, Ururka SOLJA, waxa uu usoo jeedinayaa Mulkiilayaasha hay'addaha warbaahinta iyo wariyayaasha ka hawl-gala inay ka fogaadaan wax kasta oo dhibaato ku keenaya horumarka Dalka iyo Higsiga Qaranka Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA.



Maxamuud Cabdi Jaamac

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA