Madaxweynaha Uganda Oo Ugu Baaqay Madaxda Afrika In Ay Dib U Eegaan Xidhiidhka Maxkamada ICC, Shacabka Dalkiisana Uga Digay Salaanta Is-gacan-qaadka Ah

0
Friday October 10, 2014 - 22:55:15 in by salman abdi
  • Visits: 853
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Uganda Oo Ugu Baaqay Madaxda Afrika In Ay Dib U Eegaan Xidhiidhka Maxkamada ICC, Shacabka Dalkiisana Uga Digay Salaanta Is-gacan-qaadka Ah

    Madaxweynaha dalka Uganda President Yoweri Museveni, ayaa ugu baaqay madaxda dalalka Qaarada Afrika in shir madaxeedka Midawga Afrika ee soo socda ay dib ugu eegaan xidhiidhka ay Afria la leedahay Maxakamda caalamiga ah ee dambiyada ee ICC.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Uganda President Yoweri Museveni, ayaa ugu baaqay madaxda dalalka Qaarada Afrika in shir madaxeedka Midawga Afrika ee soo socda ay dib ugu eegaan xidhiidhka ay Afria la leedahay Maxakamda caalamiga ah ee dambiyada ee ICC.



President Yoweri Museveni, waxa uu ku eedeeyay Maxakamada ICC, in aanay wax tix-gelin ah siinin Midawga Afrika, waxaanu si kulul u canbaareeyay go'aanka ay maxkamaddu ugu yeedhay Madaxweynaha Kenya, isaga oo ku tilmaamay Maxkamadda ICC, in ay ka dhan tahay Madaxweynayaasha Afrka, isla markaana ay tahay maxkamad gumaysi oo dhinac u janjeedha, sidaana waxa uu ku sheehay khudbad uu shalay ka jeediyay maalinta xornimada dalkiisa oo lagu qabtay magaalada Kampala.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in go'aankan ay meel 
mariyeen golaha ammaanka ee Qaramadda Midoobay oo aanay Afrika ku lahayn xubin joogto ah.


Dhanka kale, Madaxweynaha Uganda, ayaa Yoweri Museveni, ayaa dadweynha dalkiisa uga digay is-gacan-qaadka salaanta ah, si ay uga badbaadaan cudurada dilaaga ah ee la isugu gudbiyo salaanta iyo dheecaanka ee Ebola, iyo virus-ka dhaliya cudurka Marburg virus, oo dalkaa ku dilay hal qof.

Madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay shacabka dalkiisa in aanay isku slaamin is-gacan-qaad, si loo xakameeyo fidista labada cudur ee Ee Ebola iyo Marburg, waxaanu ka digay in virus-ka dhaliya cudurka Marburg, uu yahay mid khatar ah oo si fudud u galaafan kara nolosha kummanaan qof.

Saddex qof oo bukaan socod ah ayaa looga shakisan yahay in uu xanuunkani asiibay ayaa la takooray, dhakhaatiirtuna ay hada baadhitaan culus ku wadaan, iayada oo sannadkii 2012-kii uu cudarkani ku dilay dalka Uganda Toban qof.

Cudurka Ebola, oo ka dilaacay dalalka Afrikada Galbeed ayaa galaaftay nolosha dad aad u tiro badan, waxaana socda dadaalo ay wadamadda Afrika wadaan oo ku wajahan sidii looga hor-tegi lahaa in cudurka Ebola uu ka dilaaco wadamada Afrikada bari.
 

Contact@afkashacabka.com