Maxay isaga egyihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Maxamed Siyaad Barre

0
Tuesday July 02, 2019 - 08:50:06 in by salman abdi
  • Visits: 729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay isaga egyihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Maxamed Siyaad Barre

    Maxay isaga egyihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Maxamed Siyaad Barre

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay isaga egyihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Maxamed Siyaad Barre

Waxaa maanta Soomaaliya looga dabaaldegayaa maalinta xorriyadda oo ku began 1-da bisha Luulyo oo Soomaaliya ay xornimo ka qaadatay gumestihii Talyaaniga, wixii intaa ka dambeeyay, Soomaaliya waxay yeelatay dowlad rayid ah, kahor inta uusan xilka qabanin Madaxweynihii dowladdii kacaanka, Maxamed Siyaad Barre.

Xiligii uu Siyaad Barre afgembiga aan dhiig ku daadanin xilka kula wareegay oo haatan laga joogo ku dhawaad 50 sanno oo ku beegan 21-kii bishii Oktoobar 1969-kii, ayaa tan iyo intii uu hogaaminayay dowladdii Milateriga, waxay dad badan ku xusuustaan wanaag badan iyo dhibaatooyin badan oo uu kacaankii geystay, waxaana xiligan oo Soomaaliya uu Madaxweyne yahay Maxamed Cabdullahi Farmajo ay dad badan qabaan inuu dhowr arrimood isaga mid yihiin labada nin, kuwaas oo ay ka mid yihiin sida ay u shaqeeyaan hay'adaha Dowladda, rabitaanka Dowlad dhexe oo awood badan iyo sida loola tacaalo mucaaradka ka fikir duwan.

Hay'adaha dowladda ee isku milmay

Xiligii dowladii kacaanka, waxaan marnaba qarsooneyn in ay jireen hay'ado dowli ah oo dowladda ay sheegi jirtay inay madax banaan yihiin, balse ay muuqatay inay si toos ah u hoos tagi jireen maamulka, waxaan tusaale loo soo qaadan karaa garsoorayaasha maxkamadaha oo hadba sida dowladda ay rabto wax u xukmin jiray iyo qaabka uu u shaqeeyn jiray baarlamaanka.

.
Image caption.

Garsoorayaasha ayaa xilligii kacaanka waxaa magacaabi jiray Madaweyne Siyaad Barre, balse haatan waxaa muuqata in nidaamkaas uusan wali meesha ka bixin.

"Dhisma la'aanta guddiga adeegga garsoorka oo la dhisi waayay xiligii Carte ilaa iyo hadda ayaa sababtay inay muuqato muuqaal ah in xukuumadda ay iyadu si toos ah u magacawdo garsoorayaasha, toos na xilka uga qaado, taasi na ay u muuqato in xukuumaddii iyo garsoorkii ay isku dhex milmeen oo aanay kala soocneyn, mararka qaar na awoodda faraha badan ee ay xukuumadda ku dhex leedahay garsoorka loo arko go'aan gaarista inay xukuumadda leedahay", sidaas waxaa BBC-da u sheegay Abuukaate Zakariye Yusuf oo ah sharci yaqaan.

Abuukaate Tahliil Xaaji ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan garsoorayaal aan hab-raaca sharciga ku magacawneyn, balse an loo nisbeyn karin dowladda hadda jirta oo dowladihii hore ay dhisi waayeen hay'adda adeegga garsoorka, taasi na ay keeni karto in su'aal la geliyo sharciyadooda haddii xukuumadda qabsan waydo waajibka ka saran hirgelinta adeegga garsoorka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu eedeynayaa in uusan la xisaabtamin dowladdaLahaanshaha sawirkaVILLA SOMALIA
Image captionBaarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu eedeynayaa in uusan la xisaabtamin dowladda

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale u muuqda inuu ku jiro gacanta dowladda oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmajo, iyadoo qorshayaasha ay dowladda wadato loo mariyo si aqlabiyad ah, inkastoo ay haddana jiraan xildhibaano mucaarad ah oo gacan ku gabad ah, kuwaas oo ay cabsi weyn ku beertay eedeymaha ah inay "qaran dumis" yihiin.

Sida loola macaamilo dadka ka aragti duwan Dowladda

Dowladdii Maxamed Siyaad Barre oo ahayd dowladdii ugu awoodda badneyd ee soo marta Soomaaliya, waxay lahayd dad badan oo aan la dhacsaneyn siyaasadihii ay ku dhaqmi jirtay, iyo sida ay wax u wadeen, kuwaas oo lagu tilmaami jiray kacaan diid, daba dhilif iyo dib u socod, waxaana dadka ugu cadcadaa ee ka soo horjeeday ka mid ahaa Maxamed Faarax Ceydiid iyo Cabdullaahi Yuusuf oo labaduba la soo shaqeeyay Siyaad Barre.

Dowladdii kacaanka ayaa dadka ka soo horjeeda ku shaabadeyn jirtay dad ka soo horjeeda danaha qaranka.

Cabdullaahi Yuusuf oo markii dambe Soomaaliya Madaxweyne ka noqday ayaa waxaa xiray Dowladdii kacaanka, isagoona loo arkayay nin ka soo horjeeda nidaamkii jiray, balse haatan oo uu dalka Madaxweyne ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxay dadka qaar ay ka daremeen isla qaabkii ay dowladda kacaanka ula dhaqmi jirtay mucaaradkeeda.

Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakur oo siyaasad ahaan ka fikir duwan dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo fikirkiisa loo weerarya, loona xiray.