Daawo Muuqaal Filim Si Qarsoodi ah looga Duubay Shacabka Australi oo Taageero Wayn u Haya Dadka Muslimiinta ah
Filim si qarsoodi ah looga duubay shacabka ku nool magaalada Sydney ee dalka Australia xilli weerar afka ah lagu qaadaayo gabdho muslimiin ah ayaa waxaa ka soo baxay arin lama filaan ah oo ku aadan sida qiirada iyo difaaca leh ee ay shacabka reer Australia ay ugu duubteen ugana jawaabeen weerarka gabdhahas Muslimiinta ah lagu qaaday iyadoona qaar badan oo ka mid ah shacabka dalka Australia ay ka hor yimaadeen in la aflagaadeeyo ama wax la yeelo dadkaas muslimiinta ah, Filimkaan oo uu sameeye wiil ardey ah oo lagu magacaabo Kamel Saleh ayaa gabdho Muslimiin ah oo u diyaarsanaa waxaa uu ku aflagaadeeynaayey wadada dhexdeeda asaga oo ku tilmaamaayey inay yihiin argagaxiso iyo kuwo wax qarxinaayo Laakiin qaar badan oo ka mid ah shacabka ku sugnaa goobtaas ayaa arintaas ka horyimid ayaga oona uga digay wiilkaas falka uu ku kacaayey islamarkaana isku dayaayey inay ka badbaadiyaan wiilkaas dadkaas muslimiinta ah ee uu aflagaadeynaayey
Ugu dambeyntiina iyadoo tijaabadaas lagu sameeyey shacabka dalka Australia ay ka soo baxday arin lama filaan ah maadaama wadankaas ay dad badan ku tiriyaan inuu ka mid yahay wadamada cunsuriyiinta ah islamarkaana aan laga jecleyn dadka muslimiinta ah ayaa arintaan waxay noqtey mid ay ku faanaan qaar badan oo ka mid ah dadka reer Australia, Dalka Australia oo mudooyinkii ugu dambeeyey ay ku soo badanayeen cabsida ay qabaan muslimiinta ku nool dalkaas ka dib markii uu dalkaas ka mid noqday isbahaysiga weerarka ku qaaday islaamiyiinta ISIS arintaasna ay dhalisay in dalkaas uu cabsi ka qaaday inay weeraro aargoosasho ah ay ugu yimaadaan taageerayaasha ISIS taasna ay sidoo keentay inuu bato dhibaatada loo geysanaayo dadka muslimiinta ah ee ku nool dalkaas.
Contact@afkashacabka.com
Daawo Muuqaal Filim Si Qarsoodi ah looga Duubay Shacabka Australi oo Taageero Wayn u Haya Dadka Muslimiinta ah
Filim si qarsoodi ah looga duubay shacabka dalka Australia ayaa markii ugu horeysay waxaa ay ku muujiyeen taageero baaxad weyn oo ay u hayaan dadka Muslimiinta ah ee dalkaas Ku nool iyadoona filimkaas si qarsoodiga ah looga duubay lagu tijaabinaayey