Xog-xasaasiya Ah:-Khilaafkii u Dhexeeyey Golayaasha Guurtida Iyo Wakiilada Oo Saamayn ku Yeeshay Weriyayaal Ka hawlgala hargaysa.

0
Sunday July 07, 2019 - 09:49:08 in by salman abdi
  • Visits: 420
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog-xasaasiya Ah:-Khilaafkii u Dhexeeyey Golayaasha Guurtida Iyo Wakiilada Oo Saamayn ku Yeeshay Weriyayaal Ka hawlgala hargaysa.

    Xog-xasaasiya Ah:-Khilaafkii u Dhexeeyey Golayaasha Guurtida Iyo Wakiilada Oo Saamayn ku Yeeshay Weriyayaal Ka hawlgala hargaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xog-xasaasiya Ah:-Khilaafkii u Dhexeeyey Golayaasha Guurtida Iyo Wakiilada Oo Saamayn ku Yeeshay Weriyayaal Ka hawlgala hargaysa.

Saaka Waxaa Golaha Wakiilada iyo Guurtida oo la isku Yidhaahdo Baarlamaanka Somaliland Laga soo Saaray Weriyayaal Gudanayay Waajibkooda Shaqo

Xoghayaha Golaha Wakiilada cabdirisaaq Siciid Ayaanle Ayaa Saaka Aroornimadii Ciidan ku Dalbaday Weriyayaal uu Ka mid Yahay Maxamed Aadan Dirir ooKa hawlgala telefishanka Eryal Isagoo Golaha Qasab Kaga Soo Saaray.

Arintaasi Waxaa Ka cadhooday Xoghayaha golaha guurtida Garyaqaan cabdi Aadan Beegsi kaasi oo Askarta Isna Dhinaciisa ku Amray Inay Farah aka Qaadaan Weriyaasha Shaqadooda gudanaya maadaama Golayaasha Qaranku Ay u siman yihiin Bulshada isla Markaana aanay Ahayn Guryo Ay Leeyihiin Cid gaar Ah Balse Shacabka Somaliland Ay Wakiil ka Yihiin Isla Markaana Loogu Adeego.

Xoghayaha golaha Wakiilada Oo Hore u Sheegay inuu Labada Aqalba Isagu Xukumo Ayaa Sheegay In Weriyahani Arintiisa Sharci Daro ku Tilmaamay Isla Markaana uu Dilaayo hadii Aanu iminka golaha Iskaga Bixin Waxaana uu Yidhi.

" Waan Iska Kaa Celinayaa Weliba Waan Ku Garaacayaa,Hadaanad golaha Iskaga Bixin,Waar Haduu Maalin Danbe Soo galena Xidha Askartii Meeday " Ayuu Ku Hadaaqayay cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

Arintan Waxaa Ka hadlay Weriye Maxamed Aadan Dirir oo Sheegay in Aanu Kaga hadhi Doonin Xoghayaha Wakiilada Hadalkaas Ah Waan ku Dilayaa,Maadaama uu Sharcigii Gacantiisa Ku Qaatay Isla Markaana Hadii wax Soo gaadhaan Isaga Loo haysto,Waxaana uu Sheegay Maxamed Dirir In Golaha Wakiiladu Aanay Ahayn Gurigii uu Deganaa Cabdirisaaq Siciid Ayaanle balse Yahay Xafiis Ay Ka Hawlgalaan Xildhibaano ku Yimi Codka uu bixiyay Weriyahan Laftiisu Waxaana uu Yidhi

‘Anigu Xoghayaha oo Aan Isoo Dacweyn Inuu Dhaho Waan ku dilayaa Gef baan u Arkaa,Golaha Wakiiladuna maaha Gurigii uu Kasoo Toosi jiray Iyo Qolkiisii hurdada,Hadii Sharci Dejintu Sharcigii Dalka ku Dhaqmi Waydo yaa Laga Sugayaa maanigaa Hadaa ku Dhaqmaaya, "

Si kastaba Ha ahaatee Xoghayaha golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo Weli Isku haysta Amiirka labada gole Ayaa Sharci Jebin iyo Dastuur Fuquuq ku Haya Golaha kale ee kazoo Horjeeda ee guurtida