Shirkadda Uganda Airlines oo duulimaad toos ah ka bilaabeysa magaalada Muqdisho

0
Sunday July 07, 2019 - 10:06:46 in by salman abdi
  • Visits: 409
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda Uganda Airlines oo duulimaad toos ah ka bilaabeysa magaalada Muqdisho

    Shirkadda Uganda Airlines oo duulimaad toos ah ka bilaabeysa magaalada Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Uganda Airlines oo duulimaad toos ah ka bilaabeysa magaalada Muqdisho

Shirkadda diyaaradaha Uganda Airlines ayaa lagu wadaa in duulimaad toos ah ay ka bilaawdo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho 01 bisha Augusto ee sanadkan sida uu Hiiraan Online u xaqiijiyay Agaasimaha Waaxda Duulista Hawada Soomaaliya Axmed Macalin Xassan.

Duulimaadkan tooska ah Uganda Airlines ay ku tagi doonto magaalada Muqdisho ayaa sare u qaadaya tirada shirkaddaha heerka caalami ee hadda dib howlahooda uga bilaabay garoonka Cadde, kuwaa oo fursad u siinaya rakaabka in ay toos uga daggaan dalalka shirkadaha caalamiga ah ee duulimaadyada toos ah ku yimaada magaalada Muqdisho.


Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in marka laga soo tago shirkadda Uganda Airlines sidoo kale jiraan shirkaddo kale oo la filayo in dhawaan bilaabaan duulimadyo toos ah oo ay ku imanayaan magaalada Muqdisho. Sharikadahaas ayaa waxaa ka mid ahAl Arabia Airlines, South African Airways, Air Rwandaiyo waliba Saudi Airlines.

 

Dhawaan ayeey aheyd markii ay ka degtay garoonka Aadan Cadde diyaarada Qatar Airways oo ku soo biirtay shirkaddaha diyaaradaha ee sida toos ah u yimaadaan magaalada Muqdisho.

Agaasime Waaxda Duulista hawadda Axmed Macalin Xassan ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee keentay in shirkaddaha heerka caalami ku dhiiradaan duulimaadyada tooska ah oo ay ku imanayaan magaalada Muqdisho tahay nabad-galyada Garoonka oo xiliggan ah md leysku haleyn karo.

Tartanka shirkaddaha duulimaadyada ayaa wuxuu fursad u siinaya rakaabka gudaha iyo dibadda in ay helaan Tikidho qiimo jaban iyo adeeg waafi ah.