Gudaha:-Guddoomiyaha Gobolka Moroodijeex Ee WADDANI Oo Ka Hadlay Safarkii Madaxweyne Biixi Ee Dalka Guinea Conakry

0
Monday July 08, 2019 - 13:44:34 in by salman abdi
  • Visits: 419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudaha:-Guddoomiyaha Gobolka Moroodijeex Ee WADDANI Oo Ka Hadlay Safarkii Madaxweyne Biixi Ee Dalka Guinea Conakry

    Gudaha:-Guddoomiyaha Gobolka Moroodijeex Ee WADDANI Oo Ka Hadlay Safarkii Madaxweyne Biixi Ee Dalka Guinea Conakry

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudaha:-Guddoomiyaha Gobolka Moroodijeex Ee WADDANI Oo Ka Hadlay Safarkii Madaxweyne Biixi Ee Dalka Guinea Conakry

Xuseen Aadan Cadde, Waxa uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ku taageeray Safarkii uu ku tagay dalka guinea Conakry ee galbeedka Africa.

 

Guddoomiye Xuseen Aadan Cadde waxa uu sheegay in Axsaab, Xukuumad iyoshacabba markay tahay qaddiyada Somaliland meel looga soo wada jeesto, waxaannu carabka ku adkeeyay inay mucaarid ahaan ay barbar taagan yihiin talaabo kasta oo uu qaaddo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isagoo tilmaamay inay Safarkan dalka guinea Conakry iyo kuwo kaleba oo badan ay ku garab taagan yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda madaxa-bannaan ee Somaliland.

Waxa kale, oo uu Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex ee Xisbiga WADDANI Xuseen Aadan Cadde uu ka hadlay inaanay Xorriyada iyo Madax-bannaanidaSomaliland Ciyaar iyo Haddiyad ku imanin ee halgan dheer loo galay, isla markaanna dhiig badan loo daadiyay dib ula soo noqoshaddii Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu maamulka taagta daran ee Muqdisho lagu ilaaliyo u soo jeeddiyay inay ka waantoobaan Xinka iyo Xaasidnimada ay Somaliland la daba taagan yihiin ee ay hawlahoodda qabtaan oo dhibaatooyinka dhinacyadda badan leh ee dul hogganaaya la tacaallaan.

 

Ugu danbayntii Guddoomiye Xuseen Aadan Cadde waxa uu sheegay in xitaa mar labaad Madax-bannaanida Somaliland lagu difaaci doono Cuddud sida uu Maalintii shalay-ba ka dhawaajiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.