Magaalada Labaad ee Ugu Dadka Badan Ingiriiska oo Aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland

0
Tuesday July 09, 2019 - 09:13:41 in by salman abdi
  • Visits: 361
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalada Labaad ee Ugu Dadka Badan Ingiriiska oo Aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland

    Magaalada Labaad ee Ugu Dadka Badan Ingiriiska oo Aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Labaad ee Ugu Dadka Badan Ingiriiska oo Aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gaadhay guul kale oo diblomaasiyadeed,

kadib markii Golaha Deegaanka Birmingham oo ahmagaalada labaad ee ugu dadka badan Ingiriisku ay ku shaaciyeen maantainay Jamhuuriyadda Somaliland u aqoonsadeen dal madax-bannaan.

 

Sidaasna waxa lagu sheegay War-murtiyeedka soo baxay Xafiiska Somaliland ee UK oo ay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA soo turjuntay, kaasi oo u qornaa sidan:-

 

"Golaha Deegaanka ee Magaalada Birmingham ayaa munaasibad ay maantaqabteen waxay ku dhawaaqeen inay Jamhuuriyadda Somaliland u aqoonsadeen dalmadax-bannaan.

 

Magaalada Birmingham oo ah ta labaad ee ugu dadka badan UK, isla markaana ka mid ah dawladaha Hoose ee ugu waaweyn Yurub oo ay degan yihiin dad badan oo reer Somaliland ah ayaa shannaysayafartii degmo ee hore u aqoonsaday Somaliland oo kala ahaa Cardiff, Sheffield, Bristol iyo Tower Hamlet.


Dhammaan xildhibaannada ka soo kala jeeda xisbiyadda UK ee ku jira Golaha Degaanka ee Birmingham ayaa isku waafaqay go’aanka ay ku shaaciyeen aqoonsiga ay ugu dhawaaqeen Somaliland, waxaanu go’aankoodu ka turjumayaa iskaashiga iyo cilaaqaadka soo jireenka ah ee ka dhexeeyey Somaliland iyo Ingiriiska.

 

Wakiilka Jamhuuriyadda Somalilandu qaabilsan UK, Ayaan Maxamuud Cashuur oo ka qaybgashay munaasibadaas oo ku hadlaysay magaca Xukuumadda Somalilandsi weyn uga mahadcelisayGolaha deegaanka ee Birmingham waxaanay tallaabada ay qaadeen ku sifaysay mid taariikhiga ah ee waxtar leh.

 

Waxa kaloo Danjire Ayaan Cashuur ay sheegtay in qaraarka aqoonsiga ee Golaha Deegaanka Birmingham uu dhiirigelinayo Horumarka, Nabadda, Dimuqraadiyadda iyo Dawladnimada ka tisqaaday Jamhuuriyadda Somaliland.”

 

Cumar Maxamed Faarax