Madaxweyne Saaxiibtinimada Wasiir Maxamed Kaahin Yaanay Kaala Waynaan Amaanka Qaranka.Faallo

0
Thursday July 11, 2019 - 09:23:16 in by salman abdi
  • Visits: 495
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Saaxiibtinimada Wasiir Maxamed Kaahin Yaanay Kaala Waynaan Amaanka Qaranka.Faallo

    Madaxweyne Saaxiibtinimada Wasiir Maxamed Kaahin Yaanay Kaala Waynaan Amaanka Qaranka.Faallo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Saaxiibtinimada Wasiir Maxamed Kaahin Yaanay Kaala Waynaan Amaanka Qaranka.Faallo

Dagaal beeleedkii ka dhacay degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa haatan u muuqda inuu ku fidiyo degmooyin kale iyo gobolo ka baxsan Sanaag.


 

 

Dagaalka oo markii hore ku koobnaa labada beelood ee wada dega degmada Ceel Afweyn ayaa haatan u muuqda mid jawi kale yeelanaya isla markaana ku faafaya deegaano kale oo ka tirsan gobolka Sanaag, halka xaraaradiisa laga dareemayo magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer

 


 

Marka la eego dhacdooyinkii ugu dambeeyey oo ay ka mid yihiin dagaalka labada beelood, dagaalka tooska ah ee dhexmaray ciidamada qaranka iyo kuwa jabhada kornayl Caare, iska hor imaadka ciidamada amaanka iyo shacabka ceerigaabo iyo mudaharaadada Burco waxay muujinayaan in si weyn loo tabayo doorkii ay xukuumadu ku lahayd ilaalinta amaanka iyo kala dambaynta.


Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirkiisa arimaha gudaha Maxamed Kaahin o masuuliyadaha saaran ay ugu weyn tahay ilaalinta amaanka guud ahaan dalka, waxa muuqata inaanay muhiimad gaar ah siin gacan ku haynta amaanka degmada Ceel Afweyn iyo ka hortaga wax kasta oo dhaawaci kara nabada, waxaana la dareemayaa in mudadii ay soo cusboonaadeen isku dhacyada beelaha Ceel Afweyn ay xukuumadu ka gaabisay doorkeedii ilaa haatana ay qaaday oo kaliya in ciidamada qaranka oo laga soo raray Ceerigaabo la soo dajiyey degmada Ceel Afweyn si ay beelaha u kala badbaadiyaan balse aanay hore u jirin qorshe u dajisan oo ka hortag ah.


Dhinaca kale wasiirka arimaha gudaha somaliland oo masuuliyadiisa koowaad ay tahay sugida amaanka gudaha ee dalka ayaa si weyn loo dhaliilayaa doorkiisa ku aadan gacan ku haynta amaanka Ceel Afweyn maadaama oo beeshiisu ay qayb ka tahay colaada deegaankaasi, waxa kale oo lagu cambaaraynayaa inaanu qabanin beeshiisa marar dhawr ah oo ay jabiyeen heshiiskii hore loo galay.


Wasiir Maxamed Kaahin ayaa laga dareemayaa isdhawrid xadkeedii dhaaftay, iyada oo aanay jirin wax talaabo ah oo muuqata taas oo uu ka qaaday labada beelood ee dagaalku dhexmaray isla markaana xoojinaysa gacan ku haynta amaanka guud ee deegaankaasi, taas oo keentay in dhaliilo waa weyn dusha loo saaro isla markaana loogu baaqo iscasilaad.


Dhinaca kale Madaxweyne Muuse Biixi ayaa lagu dhaliilayaa in saaxiibtinimada gaarka ah ee ka dhaxaysa wasiirkiisa arimaha guduhu ay kala waynaatay dantii guud ee dalka gaar ahaan arimaha amaanka, iyada oo bulshada dareenkeedu la xidhiidho in maadaama wasiir Maxamed Kaahin is dhawrayo loo baahan yahay in laga badalo wasaarada arimaha gudaha isla markaana loo dhiibo masuul aan ka soo jeedin labada beelood ee ku dagaalamaya Ceel Afweyn si ay u suura gasho in talaabo laga qaado cidii jabisay heshiisyadii hore loo galay isla markaana wada falalka amniga ka soo horjeeda.


Madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisa ayaa sidoo kale lagu dhaliilayaa in sida ay u fududaysadeen tabashadii ay muujiyeen Kornayl Caare iyo ciidamadii uu la goostay si la mid ah ay wax fudud uga soo qaadeen colaada beelaha wada dega Ceel Afweyn, taas oo keentay in jabhadii uu samaystay kornaylkaas ka cadhooday ciidamada qaranku ay qayb ka noqdaan xaaladaha amni daro ee ka soo cusboonaaday gobolka Sanaag isla markaana ay sii socdaan isku dhacyada beelaha wada dega Ceel Afweyn.


Ugu dambayn marka la eego xaalada haatan ka taagan degmooyinka Ceel Afweyn, Ceerigaabo iyo guud ahaan gobolka Sanaag waxa muhiim ah in wasiir Maxamed Kaahin uu shaqadiisa u guto sida dastuurka iyo sharciyada dalku farayso ama in madaxweyne Muuse Biixi uu meesha ka saaro saaxiibtinimada uu xeerinayo ee ka dhaxaysa wasiir Kaahin isla markaana wasaarada arimaha gudaha u dhiibo masuul aan u habran beelahan colaadu u dhaxayso balse awood dawladeed u adeegsada in tubta nabada iyo wada noolaanshaha lagu soo celiyo, wixii aan intaas ahayna ay suuragal tahay in isku dhacyada beelaha iyo falalka amni darada ahi ay sii socdaan kuwaas oo caqabad ku noqda xukuumada madaxweyne Muuse Biixi.