Khilaafkii maamulka gobolka Hiiraan oo la soo afjaray

0
Friday July 12, 2019 - 09:49:57 in by salman abdi
  • Visits: 364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafkii maamulka gobolka Hiiraan oo la soo afjaray

    Khilaafkii maamulka gobolka Hiiraan oo la soo afjaray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaafkii maamulka gobolka Hiiraan oo la soo afjaray

Ugu danbeyntii waxaa la soo afjaray ku dhawaad bil khilaaf siyaasadeed oo ka taagnaa maamulka gobolka Hiiraan kaa oo ka dhashay xil ka qaadistii madaxweynaha dowladda gobolka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu ku sameeyay guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

 

 

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka federaalka oo maalmihii ugu danbeeyay u joogay magaalada Beledweyne xalinta khilaafka iyo sidii nabad-galyo xilka leysugu wareejin lahaa ayaa ku guuleystay xalay in ay isku keenaan guddoomiyaha magacaabay Cali Maxamed Caraale iyo guddoomiyihii hore ee xilka laga qaaday Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

 

Nuur Iidoow Belye oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka sida weyn isugu howlay soo afjarida khilafkan ayaa Hiiraan Online u sheegay in ugu danbeyntii gudoomiyihii hore ee gobolka ku qancay in uu u hoggaansamo sharciga.

‘’Dabcan maalmihii aan halkan joognay wax kale oo shaqo ah ma qaban, waxaan ku howlaneyn sidii arrintan loo dhameyn lahaa, ugu danbeyntiina waxaan ku qancinay Yuusuf Dabageed in uu sharciga u hoggaansamo xilkana ku wareejiyo guddoomiyaha cusub, isagana wuxuu naga aqbalay’’ ayuu yiri Xildhibaan Nuur Iidoow.

Xildhibaanka ayaa sheegay in maalinta berri ah oo taariikhdu ku beegan tahay 13ka bisha July maalin Sabti la qaban doono munaasabada xil wareejinta, isaga oo dhinaca kale bulshada gobolka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabad-galyada.

Khilaafkan siyaasadeed ee ka dhashay xil ka qaadistii uu ku sameeyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa waayadii ugu danbeeyayba ahaa mid ka mid ah qoddobada loogu hadal heynta badan yahay guud ahaan marka la eego siyaasadda Soomaaliya.