Ma Dhabaa In Wasiir Maxamed Kaahin Iyo Wasiirka Deegaanka Shugri Baandare Isku Af Dhaafeen Qadiyadda Kornayl Caare Madal Madaxweynuhu Fadhiyay

0
Monday July 15, 2019 - 10:27:22 in by salman abdi
  • Visits: 427
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Dhabaa In Wasiir Maxamed Kaahin Iyo Wasiirka Deegaanka Shugri Baandare Isku Af Dhaafeen Qadiyadda Kornayl Caare Madal Madaxweynuhu Fadhiyay

    Ma Dhabaa In Wasiir Maxamed Kaahin Iyo Wasiirka Deegaanka Shugri Baandare Isku Af Dhaafeen Qadiyadda Kornayl Caare Madal Madaxweynuhu Fadhiyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma Dhabaa In Wasiir Maxamed Kaahin Iyo Wasiirka Deegaanka Shugri Baandare Isku Af Dhaafeen Qadiyadda Kornayl Caare Madal Madaxweynuhu Fadhiyay

Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka rogay in Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiiradda Deegaanka Somaliland ay isku khilaafeen Qadiyadda Kornayl Caare.

Wasiiraddan oo sida warkani nagu soo gaadhay ku kulmay madal uu Madaxweyne Biixi fadhiyay oo lagu soo hadal qaaday, islamarkaana lagu lafa gurayay Arinta Jabhadda Kornayl Caare ayaa hadalo kulul iskugu jawaabay kuwaasi oo dareenkii fadhiga wax ka badelay.


 

Xogaha aanu helayno ayaa sheegay in Marka hore uu Wasiir Maxamed kaahin oo ka hadlayay Jabhadda Kornayl Caare uu Caare ku tilmaamay inuu yahay Sarkaal ka tirsan Dawladda Soomaaliya ee Farmaajo islamarkaana uu Halkaasi kasoo dab iyo Mushahar qaato, arintaasi oo uu ku soo daray hadal guud oo uu madasha ka jeediyay.

Waxa arintaasi si gaar ah uga cadhootay oo islamarkiiba sida warkani nagu soo gaadhay ka jawaabtay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Somaliland Marwo Shugri Ismaaciil Baandare oo ay isku deegaanka kasoo wada jeedaan Kornayl Caare. Waxay ka difaacday Caare arinta Wasiir kaahin, Waxaana ay sheeegtay inaanay waxaasi waxba ka jirin ee uu Caare yahay nin muwaadin ah oo Somaliland jecel oo duday oo cabanaya islamarkaana cadaalad daro tirsanaya, noocay doonto hanoqotee, waxaanay meel adag ka istaagtay inaan arinta sidaasi loo dhigin iyadoo ka digtay dooda Wasiir Maxamed Kaahin inay fidmo kale sii abuurto.

Sidoo kale Xogahan ayaa sheegaya in madashaasi buuq iyo qaylo isku badeshay islamarkaana ay wasiiradda goobta fadhiyay qaab deegaan ula kala safteen Labada Wasiir ee haddalku ka taag taagmay.