Qarramada Midoobey oo ka digtay in la fara-galiyo doorashada Jubbaland

0
Tuesday July 16, 2019 - 09:00:53 in by salman abdi
  • Visits: 426
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarramada Midoobey oo ka digtay in la fara-galiyo doorashada Jubbaland

    Qarramada Midoobey oo ka digtay in la fara-galiyo doorashada Jubbaland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarramada Midoobey oo ka digtay in la fara-galiyo doorashada Jubbaland

Wakiilka cusub ee Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa maalintii shalay gaaray magaalada Kismaayo oo sheegay in ay ka doonayaan doorashada dhawaan ka dhici doonta Jubbaland in ay noqoto mid xor iyo xalaal ah.

 

 
 
Mr Swan sidoo kale doorashadiisa ay ka doonayaan in aysan noqon mid dhinac-na laga faragalin isla markana mas’uuliyadeeda ay leedahay dowlad-gobolleedka Jubbaland wuxuu xusay in uu sidoo kale uu la kulmay guddiga doorashooyinka Jubbaland iyo xildhibaannada laga soo doorto Jubbaland ee Baarlamaanka federaalka ah oo uu aragtidooda ka dhagaystay.

 

Qorshaha soo xulista xildhibaannada Baarlamaanka Jubbaland ayaa dhowr jeer oo hore dib u dhac ku yimid, hasse ahaatee hadda ayaa lagu wadaa in qorshahaasi dib loo bilaabo, iyadoo daba-yaaqada bisha Augusto ee naga soo foolka leh la dooran doono madaxweynaha.

Inkastoo ay soo baxayaan digniinno la xiriira doorashada ayaa haddana waxaa xusid mudan in musharixiinta kula tartamaya xilka madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ka qabaan shaki badan oo la xiriira saameyn uu ku yeesho soo xulista xubnaha baarlamaanka.

Laakiin dhinaciisa Axmed Madoobe ayaa ku eedeynaya dowladda federaalka in si dadbadan ay fara-galin ugu heyso arrimaha doorashooyinka Jubbaland, balse dowladdu wax war ah kama aysan soo saarin eedeyntaas.