Gudaha:-Rakaabka kasoo Xagaa-baxa Jabuuti Oo ku Xaniban Xuduuda Lawyacado+Sababta.

0
Wednesday July 17, 2019 - 09:41:44 in by salman abdi
  • Visits: 374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudaha:-Rakaabka kasoo Xagaa-baxa Jabuuti Oo ku Xaniban Xuduuda Lawyacado+Sababta.

    Gudaha:-Rakaabka kasoo Xagaa-baxa Jabuuti Oo ku Xaniban Xuduuda Lawyacado+Sababta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudaha:-Rakaabka kasoo Xagaa-baxa Jabuuti Oo ku Xaniban Xuduuda Lawyacado+Sababta. Wararka naga soo gaadhaya magaalo xuduudeedka Lowyacado ee degmada Saylac ayaa sheegaya

inay cakiran tahay islamarkaana ayna jirin ilaa iyo hada wax rakaab ah oo ay soo qaadeen baabuurta u kala gooshta Jabuuti iyo dalka Somaliland intiisa kale fiidnimadan caawa kadib markii ay dawlada hoose ee degmada Saylac kusoo rogtay lacag dhan 3 doolar baabuurkiiba.

 

Mid ka mid ah gaadiidlayda oo khadka taleefoonka kula soo xiddhiidhay shabakada Hadhwanaagnews ayaaxaqiijiyay in lacagtan cusub ee la duldhigay aanay garanayn meel ay ka timid, waxana uu yidhi "Baabuurta waxa ay rakaabka u doontaan lama degaanka baabuur kastana waxay booliisku birta kaga qaadaan 6 doolar oo lacag ah tanna waa sadax dooolar oo siyaado ah, markaa ma jirto sabab aanu ku bixin karnoā€¯.

 

Dhinaca kale Masuuliyiinta degmada Saylaca oo ay shabakadu isku dayday inay la xidhiidho si ay arintan uga xaqiijiso ayaana u suurta galin, waxayse ilo wareedyo ka agdhaw dawlada hoose u sheegeen shabakada in lacagtan ay tahay mid loo qorsheeyay in lagu dhiso jidka u dhexeeya Toqoshi iyo Lowyacado.

 

 

 

 

Warar dheeraad ah ee naga soo gaadhaya Lowyacado ay sheegayaan in Mayar Sacadka degmada Saylac iyo Badhasaab Mawliidka gobolka Salal oo soo gaadhay goobtaasi Lowyacado lana kulmay gaadiidlayda inkastoo ayna jiran warar toos ah oo laga helay kulankan dhexmaray ayaa wararka hoose ee ay shabakadu heshay ay sheegayaan in Mayar Sacad uu ku adkaystay inay gaadiidlaydu bixiyaan sadaxda doolar, halka ay masuuliyiinta Booliiskuna ganafka ku dhufteen inay dawlada hoose soo fara galiso lixdii doolar ee ay gaarka u qaadan jireen balse uu Badhasaab Mawliidka gobolkaasi ayaa ka gaabsaday inuu faragaliyo lacagta booliisku qaato, tan badalkeeduna uu amray in caawa la fasaxo baabuurta sida rakaabka kasoo firxaday kulaylka Jabuuti loo qaado deegaanada ay u xagaabaxayaan.

 

Badhasaabka gobolka Salal ayaa la sheegayaa inuu ku baaqay in fadhi kale oo ay kasoo qayb galaan masuuliyiinta iskaashatada gaadiidlayda la iskugu yimaadokhamiista,waxaana xusid mudan in Saylac ay tahay degmada Sadaxaad ee dalka ugu daqliga badan, islamarkaana wadooyinkeeda iyo kaabayaasheeda dhaqaaluhuna ay yihiin kuwa ugu dibu dhacsan dalka oo dhan ,

 

Sikastaba ha ahaatee waqtigan xagaaga ayaa magalada Lowyacado ay aad u kululshahay waxaana dhib xoogani ay kasoo gaadhaan kulaylkaasi rakaabka iyo dadka kale ee safarka ah ee aan u dulqaadan Karin daqiiqado kaga luma muulul xumada ka jirta gobolkaasi Salal.