IS-Maandhaaf Ka Taagan Wali Doorashooyinka Maamulka Jubland
Waxaa sii xoogeysanaya shakiga laga qabo howsha guddiga u xil saran in ay mamulaan doorashada maamulka Jubbaland oo dhawaan soo saaray Liiska Odayaasha dhaqanka soo xulaya xildhibaannada.
Dowladda Federaalka ayaa horay ugu gacan-seyrtay sax ahaanshaha Liiska, balse taa badalkeeda Jubbaland waxaa ay joojisay wada-shaqeyntii kala dhaxeysa dowladda, iyada oo sheegtay in aysan iman karin deegaannada Jubbaland cid ka socta dowladda dhexe ee Federaalka.
Musharixiintu waxaa ay diiddeen in ay ka qeybgalaan kulan wadatashi oo guddiga doorashadu isugu yeeray dhamaan musharixiinta, sidoo kale waxaa ay ku gacan-seyreen Liiska Odayaasha ee lagu dhawaaqay, iyaga oo sheegay in laga tagay Odayaashii dhaqanka saxda ahaa ee Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa dhiniciisa ku baaqay in musharixiinta looga fadhiyo in ay ku kalsoonaadaan sida ay wax u socdaan, loona madax-bannaaneeyo howshooda guddiga doorashada.
Musharixiinta qaarkood ayaa sheegay in haddii ay arrimuhu sidan ku sii socdaan laga yaabo in ay sameystaan iyaguna guddi doorasho, taasoo sii xumeyn karta khilaafka haddaba ka jira geedi socodka doorashada dowlad gobolleedka Jubbaland.
IS-Maandhaaf Ka Taagan Wali Doorashooyinka Maamulka Jubland
IS-Maandhaaf Ka Taagan Wali Doorashooyinka Maamulka Jubland