Gudaha:-Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Maanta Warbiximo Lagaga Dhegeystay Guddi Hore Goluhu U Saaray.

0
Thursday August 01, 2019 - 16:43:30 in by salman abdi
  • Visits: 429
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudaha:-Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Maanta Warbiximo Lagaga Dhegeystay Guddi Hore Goluhu U Saaray.

    Gudaha:-Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Maanta Warbiximo Lagaga Dhegeystay Guddi Hore Goluhu U Saaray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudaha:-Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Maanta Warbiximo Lagaga Dhegeystay Guddi Hore Goluhu U Saaray. Kal-fadhigii 39-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland,

WAR-SAXAAFADEED: 01 /08/2019


Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa warbixin lagaga dhegaystay guddi uu goluhu kalfadhigii aan caadiga ahayn ee isniintii todobaadkii hore loo xil saaray inay ka soo talo bixiyaan arrimo la xidhiidha.

 Xidhiidhka beesha caalamka iyo Jamhuuriyada Somaliland.

 La macaamilka hay’adaha UN-ka iyo kuwa caalamiga ah.
 Ganacsiga iyo maalgashadayaasha shisheeye.

 Guddidaas oo warbixintooda goluhu bayaan ku soo saari doono kalfadhiyada danbe.

Sidoo kale golaha wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland wuxu dood iyo falanqayn dheer ka yeeshay saami qaybsiga doorashada wakiillada, waxaanu goluhu isku raacay in wada tashi balaadhan lagala yeesho cida ay khusayso.


 

Ugu dambayn waxa goluhu bogaadinayaa heshiiskii sadexda xisbi qaran ee dalku ka gaadheen qabsoomida doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka, waxaana ka go'an xukuumada qabsoomida doorashada oo xiligeedii ku dhacda.

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.