Nin si khalad ah nambarkiisa looga sheegay Filim oo wicitaankii ku batay

0
Friday August 02, 2019 - 12:14:55 in by salman abdi
  • Visits: 339
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin si khalad ah nambarkiisa looga sheegay Filim oo wicitaankii ku batay

    Nin si khalad ah nambarkiisa looga sheegay Filim oo wicitaankii ku batay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin si khalad ah nambarkiisa looga sheegay Filim oo wicitaankii ku batay

Nin teleefonkiisa si khalad ah looga sheegay filim ka mid ah aflaanta Bollywood-ka ayaa ka cabanaya in telefoonkiisa si joogta ah loo soo waco, isaga oo lagu qaldayo inuu yahay atariishada filimka.

Atariishada filimka waday oo lagu magacaabo Sunny Leone ayaa ku dhawaaqday nambarka teleefonka ninkan oo ah 26 sano jir lagu magacaaabo Puneet Agarwal.

Mr Agarwal ayaa BBC-da u sheegay inuu maalintii boqolaal jeer la soo waco tan iyo markii uu filimkan soo baxay 26 bisha July.

"Waxa aan xitaa la'ahay wakhti aan ku seexdo telefonkayga waxa uu soo dhacaa tan iyo afarta subaxnimo."

Mr Agarwal ayaa sheegay inuu daalay oo arrinkan uu noloshiisa saameeyey," Soo saarayaasha filimka waxa looga baahnaa inay nambarka tijaabiyaan ka hor inta aysan filimka daynin," Ayuu BBC-da ku yiri.

Soo saaraha filimka Arjun Patiala ayaa diiday inuu jawaab ka bixiyo arrinkan.

Puneet Agarwal

Isbuuc kaddib intii uu soo baxay filimkan, Mr Agarwal waxa uu awoodi waayay inuu si nabad ah shaqadiisa u fusho ama uu helo hurdo wanaagsan.

Balse waxa uu sheegay in aysan xal u ahayn inuu tuuro nambar uu muddo haystay."Ganacsigayga ayaa ku xiran, asxaabtayda oo dhanna waxa ay haystaan nambarkan."

Waxaa markii ugu horreysay la soo wacay isla maalintii uu filimkan soo baxay. Qofkii soo wacay ayaa ka dalbaday inuu ugu dhiibo telefoonka Leone, kaddib waxa aan u sheegay inuu nambar khaldan soo wacay.

"Wicitaanadii ugu horreeyey waxa aan u malaynayay inuu yahay qof igu ciyaarayay."

Balse wicitaanka ayaa igu batay waxa ayna dhamaantood i weydiinayeen hal su'aal oo ah: "Ma la hadli karaa Sunny Leone?"

"Waxaa markii dambe xaqiiqsaday in nambarkayga lagu sheegay filim, aysanna ahayn ku talagalkooda, oo ay nambarka ka soo heleen filim," ayuu yiri Mr Agarwal.

Filimka Arjun PatialaLahaanshaha sawirkaCOURTESY T-SERIES/ MADDOCK FILMS

Waxa uu ninkan sheegay inuu isku dayay inuu booliska dacwad u gudbiyo balse aysan weli caawinin, balse ay u soo jeediyeen inuu maxkamadda tago. Mr Agarwal ayaa maxkamadda geeyey dacwad ah in nambarkiisa laga bixiyo filimka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dhacdadan ay la yaab ku noqotay saaxiibadii, wuxuuna sheegay in haatan ay u bixiyeen magacyo naanees ah, ayna ugu yeeraan " Delhi Sunny Leone"