Khilaafyo Ka Jiray Qaar Ka Mid Ah Hay'addaha Dawlada Oo Madaxweyne Muuse Ku Xaliyey Digreetadii Ugu Dambaysay
Madaxweynaha somaliland ayaa digreetadii ugu dambaysay ee uu isku shaandhaynta ku sameeyey xukuumadiisa waxa uu ku xaliyey khilaafyo door ah oo ka dhextaagnaa masuuliyiin ka wada tirsan dawladiisa.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sax iyo khaladba la saftay xubno xukuumadiisa ka mid ah ka dib markii uu xilalkii waydaariyey xubnihii ay is hayeen ee dawlada ku jiray.
Dhinaca kale khilaaf culus oo ka taagnaa wasaarada waxbarashada ayuu madaxweyne Muuse Biixi ku xaliyey digreetadii uu xilka kaga qaaday wasiir ku xigeenkii.
Khilaafka wasaaradan oo u dhaxeeyey wasiirka, agaasimaha guud iyo inta badan agaasime waaxeedyada oo dhinac iyo wasiir ku xigeenka ayuu madaxweyne Muuse Biixi la saftay garabkii isbahaysiga u samaystay wasiir ku xigeenka ee agaasimaha guud abaabulay, waxaanu xil ka qaadis ku sameeyey wasiir ku xigeenkii wasaarada ka dib markii garabka kale ku qanciyeen inuu dibada ka dhigo wasaarada, iyada la sheegay in agaasimaha guud oo ay madaxweyne Muuse isku deegaan yihiin uu awoodo dheeraad ah u isticmaalay wasiir ku xigeenkii xilka laga qaaday.
Sidoo kale khilaaf ayaa ka dhextaagnaa masuuliyiintii uu madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay komishanka xakamaynta Aids-ka, Waxaana jirtay dacwad uu madaxtooyada gaadhsiiyey agaasimihii fulinta Naasir Ayjeex Jaamac kaas oo dacweeyey xubno ka mid ah komishanka oo uu sheegay inay baalmareen nidaamkii shaqo, xubnahaas oo kala ahaa agaasimaha wacyigelinta iyo abaabulka Muxuyadiin Yuusuf Ibraahin iyo Maxamed Abiib Yuusuf oo ahaa agaasimaha daawaynta iyo daryeelka ee komishanka.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaana iska indha tiray dacwada uu soo gaadhsiiyey agaasimaha fulintu isaga oo khilaafkiina ku xaliyey inuu xilka ka qaado agaasimihii fulinta Naasir Ayjeex Jaamac iyo agaasimihii daawaynta Maxamed Abiib oo ka soo kala jeeday gobolada Awdal iyo Hawd halka aanu wax talaabo ah ka qaadin agaasimihii wacyi gelinta iyo abaabulka Muxuyadiin Yuusuf Ibraahin oo ay madaxweynaha isku deegaan yihiin isla markaana qayb ka ahaa khilaafka ka dhexjiray komishanka xakamaynta Aids-ka.
Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in qaabka uu madaxweyne Muuse Biixi u xaliyey khilaafkii ka taagnaaqaar ka mid ah hay’addaha dawladu aanay ahayn mid cadaalad ku fadhida, isaga oo xil ka qaadis ku abaal mariyey xubno gardaro ka tirsanayey masuuliyiinta ay wada shaqaynta lahaayeen ee ay madaxweynaha isku deegaanka ka soo wada jeedeen, taas oo su,aal galinaysa qaabka madaxweynuhu u garnaqay.
Khilaafyo Ka Jiray Qaar Ka Mid Ah Hay'addaha Dawlada Oo Madaxweyne Muuse Ku Xaliyey Digreetadii Ugu Dambaysay
Khilaafyo Ka Jiray Qaar Ka Mid Ah Hay'addaha Dawlada Oo Madaxweyne Muuse Ku Xaliyey Digreetadii Ugu Dambaysay