Amniga magaalada Jigjiga oo la adkeeyay+Sababta.
Komishinka Booliska DDS ayaa sheegay in amniga magaalada Jigjiga aad loo adkeeyay maadaama ay imaanayaan magaalada marti kor u dhaafaysa 700 oo qof oo ka imaanaysa Degaanka Oromiya.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in guud ahaan diyaar garow adag laga galay sugida amniga magaalada Jigjiga, iyadoo markii horeba amniga magaalada la sugi jiray haddana lasii adkaynayo maadaama marti kasocota Oromiya degaanka imaanayaan.
Martida ka socota Degaanka Oromiya ayaa u imaanaysa Jigjiga Shir wada tashi ah oo labada degaan ee Oromiya iyo Soomaalidu barito uga furmaya magalaada Jigjiga.
Amniga magaalada Jigjiga ayaysan wax dhib ah ka jirin, haddana markii ay mart imaanayso ama madax waala sii adkeeyaa amniga magaalada iyadoo laga cabsi qabo in martida la wax yeeleeyo.
Amniga magaalada Jigjiga oo la adkeeyay+Sababta.
Amniga magaalada Jigjiga oo la adkeeyay+Sababta.