Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Oo Aas Qaran Loogu Sameeyay Muqdisho
Diyaaraddii sidday marxuumkan shahiiday isagoo ka shaqeynaya horumarintaiyo dib u dhiska dalkiisa ayaa markii ay soo caga dhigatay garoonka waxaa naxashka halyeeygan oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda ka soo dejiyey Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan.
Madaxweynaha ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdows.
Intaas kaddib, Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ayaa marxuumka aas-qaran ugu sameeyey Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, iyadoona ay goob joog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaarada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Xildhibaanno, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Duubabka Dhaqanka, Ehelada Marxuumka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Shacabka Soomaaliyeed waxa ay xusuusnaan doonaan dadaalkii, dowlad jacaylkii iyo doorkii muuqday ee Eng. Cabdirixmaan Yariisow uu ka soo qaatay samata-bixinta, nabadeynta iyo dib u dhiska dalka, waxa uuna marxuumku tusaale u ahaa malaayiinta Soomaaliyeed ee u taagan adkeynta midnimada, xaqiijinta caddaaladda iyo dib u soo noolaynta maqaamkii aynu ku lahayn dalalka Caalamka.
DHAMMAAD
Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Oo Aas Qaran Loogu Sameeyay Muqdisho
Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Oo Aas Qaran Loogu Sameeyay Muqdisho