Dowladda oo beenisay eedeyn uga timid hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir
Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in ay ka gaabisay sugida Amniga taa badalkeedana Al-shabaab ku dhaxmilmee xarumaha Dakhliga iyo hay’addaha Amaanka dowladda Soomaaliya.
"Waxaan aad uga xumahay dad sheeganayaa mucaraad inay sheegaan warar noocaan oo kale ah waana kuwa dhiiragelinaya Al-Shabaab, sidoo kalena niyadjab ku abuuraya shacabka,shaqsiyaad ku dhexjira dowladda in ay hadalkaasi sheegaan ay tahay gef iyo mas’uuliyad darro ayuu yiri Wasiir Aadan Isaaq.
Wasiirka ayaa isaga oo wareysi siinayay BBC-da ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay mas’uuliyad ka saaran ilaalinta hantida iyo badqabka Shacabka Soomaliyeed,hasse ahaatee hadalllada qaar looga wanaagsanaa in aan Shabaab lagu dhiirageliyo.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maalintii shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in waqtiga Al-shabaab awood buuxda u leeyihiin wixii ay doonaan ka dhax sameeyaan hay’addaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan waxaa uu sheegay in Al-shabaab ay hadda bilaabeen in ay canshuur ka qaadaan dekedda Muqdisho.
Dowladda oo beenisay eedeyn uga timid hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir
Dowladda oo beenisay eedeyn uga timid hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir